Ku dhawaad 30 Shabaab ah oo lagu dilay hal goob kadib…

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay howlgal iyo dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Raas qaboow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa looga hortegay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen, waxaana si gaar ah u sameeyay Ururka 251-aad guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab, waxaana taliska uu sheegay in guullo waa wayn ay ka gaareen.

Maxamed Xasan Abuukar Dhala Dheere oo taliyaha ururka 251-aad Guutada 25-aad ee Cumar Binu Khadaab oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka ay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla-markaana khasaare xoogan ay gaarsiiyeen xubnahii weerarka kusoo qaaday.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay inay dileen ugu yaraan illaa 25 dagaalame oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa cashar u dhigay Khawaarijta oo ay isku dayeen inay weerarto saldhiga ciidanka Xoogga Dalka ee degaankaasi Raas qaboow, waxaana halkaasi looga dilay 25 dhaqarqabe” ayuu yiri taliye Maxamed Xasan Abuukar Dhala Dheere.

Sidoo kale wuxuu intaasi in ciidanka xoogga dalka ay wali sii baacsan hayaan firxadka xubnahii weerarka kusoo qaaday saldhiga deegaanka Raas qaboow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guulaha ka sheegtee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana weli kasii soconayo howlgallo xoreyn ah.