Ku dhowaad 150 qof oo ku dhintay qarax booyad oo ka dhacay…

Abuja (Caasimada Online) – Qarax ayaa kala dhantaalay dad badan oo u soo orday inay gurtaan shidaal ka soo daatay booyad shil ku gashay waqooyiga Nigeria, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 147 qof, sida ay saraakiil u sheegeen AFP Arbacadii.

Masiibadan ayaa ah tii ugu dambaysay ee noocan ah oo ka dhacda Nigeria, xilli uu shidaalku noqday badeeco qaali ah, ayada oo dalka uu marayo mid ka mid ah xasaradihii dhaqaale ee ugu xumaa muddo jiilal ah.

Gaariga booyadda ayaa leexasho sameeyey si uu uga fogaado in uu ku dhaco gaari xamuul ah, gudaha magaalada Majia, sida ay booliska sheegeen.

Shilka ka dib, dadka deegaanka ayaa ku soo xoomay hareeraha gaariga, iyaga oo guranaya shidaal waddada ku daatay iyo gorgorka booyadda.

Sanusi Lawan oo arday ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in uu maqlay “qeylo farxadeed” uuna u cararay in uu ku biiro boqolaal qof oo baaldiyo ku guranayay shidaalka.

21-jirkan ayaa baaldigiisii u qaatay gurigiisa, waxaana walaalkiis uu ku qanciyay in aanu dib ugu laaban, kadibna waxay maqleen “qarax weyn iyo oohin xanuun iyo baqdin leh”.

“Waxaan ku cararnay goobta, waxayna ahayd goob argagax leh,” ayuu yiri Lawan. “Dadku waxay ordayeen iyagoo dab uu ka kacayo, waxayna ku qaylinayeen gargaar.”

“Haddii aanan dhegaysan talada walaalkay, waxaan ka mid noqon lahaa kuwa dhintay,” ayuu yiri.

Hay’adda gurmadka deg-degga ah ee qaranka ayaa sheegtay in 147 qof ay dhinteen.

Guddoomiyaha dawlada hoose Hambali Zarga ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tiradan ay tahay oo kaliya meydadka lagu aasay hal xabaal wadareed, wuxuuna ka digay in khasaaruhu uu sare u kaco.

Daraasiin dhibanayaal ah “ayaa u gubtay si aan la aqoonsan karin,” ayuu u sheegay AFP isagoo ku sugan qabuuraha.

Wuxuu sheegay in meydad badan lagu aasay meelo kale, halka ku dhawaad 140 qof oo dhaawac dadka deegaanka ah lagu daweynayo isbitaallada ku dhow.

Ururka dhakhaatiirta Nigeria ayaa ku booriyay dhakhaatiirta inay u deg-degaan qolalka xaaladaha deg-degga ah ee u dhow, si ay uga caawiyaan qulqulka bukaannada.

Magaalada caasimadda ah ee Abuja, sharci-dajiyayaasha Nigeria ayaa hal daqiiqo oo aamusnaan ah ku qabtay aqalka senate-ka.

Madaxweyne Bola Ahmed Tinubu ayaa taageero u ballan qaaday kuwa ay dhibaatadu saameysey, oo uu sheegay in ay “ka go’an tahay in si degdeg ah oo dhamaystiran dib u eegis loogu sameeyo hab-raaca badbaadada gaadiidka shidaalka ee dalka oo dhan”.

Qaraxyada booyadaha shidaalka ayaa ku badan dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika, halkaasi oo wadooyinka ay si liidata loo daryeello, dadka deegaankana ay inta badan damcaan in ay shidaalka shubtaan kadib shilalka.

Shidaalka ayaa sii noqday badeeco qaali ah, iyada oo Nigeria ay wajaheyso dhibaatadii dhaqaale ee ugu xumayd muddo jiil ah.

Qiimaha shidaalka ayaa shan laab kor u kacay tan iyo markii Madaxweyne Bola Ahmed Tinubu uu meesha ka saaray kabkii dowladda sanadkii hore, waxaana inta badan jira gabaabsi.

Rajo-xumada ayaa sii korartay toddobaadkii tegay ka dib markii shirkadda saliida ee dowladda ay kor u qaadday qiimaha markii labaad muddo bil gudaheed ah.

“Qof walba waa ogyahay khatarta ku jirta qaadashada shidaalka marka booyadu ay shil gasho laakiin heerka faqriga ayaa ah mid aad u adag si la isaga celiyo isku daygan,” ayuu Lawan u sheegay AFP.

“Shidaalku hadda waa dahab” iyada oo ay jirto xasaradda dhaqaale, ayuu yiri.

Afhayeenka booliiska Lawan Shiisuu Adam ayaa sheegay in dadka isku soo baxay ay “ka tan bateen” askartii isku dayay in ay joojiyaan, hadalkaas oo ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

“Dalka waxaa ka jira faqri baahsan, dadkuna wax walba way sameyn doonaan si ay u helaan waxay u baahan yihiin inay cunaan,” ayuu yiri Buhari Ali, oo ah 30-jir shaqaale dowladeed ah oo ka qayb-qaatay aaska wadareed.

“Dadku waa gaajaysan yihiin, mana awoodin inay lumiyaan fursaddan dhifka ah.”

Shilalka ku lugta leh booyadaha ayaa ku soo noqnoqda Nigeria, ayadoo Guddiga Badbaadada Waddooyinka ee Federaalka (FRSC) ay diiwaangeliyeen 1,531 shil sanadka 2020, kuwaas oo sababay dhimashada 535 qof.

Bishii hore, ugu yaraan 59 qof ayaa ku dhintay markii booyad shidaal ay ku dhufatay gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen rakaab iyo lo’ gobolka waqooyi-galbeed ee Niger.

FRSC ayaa sheegtay in in ka badan 5,000 oo qof ay ku dhinteen shilalka waddooyinka Nigeria sanadka 2023, marka la barbar dhigo ku dhawaad 6,500 qof oo dhintay sanadkii ka horeeyey.

Hase yeeshee, sida uu ku warramay Ururka Caafimaadka Adduunka, tirooyinkan kuma jiraan shilalka aan lagu wargelin mas’uuliyiinta.

WHO ayaa ku qiyaastay in dhimashada shilalka waddooyinka ee Nigeria ee sanadkii ay ku dhawdahay 40,000, sida lagu sheegay warbixin la daabacay sannadkii hore.

Dab dhimasho badan iyo qaraxyo ayaa sidoo kale ka dhaca guud ahaan xarumaha shidaalka iyo saliidda ee Nigeria, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu soo-saarka badan saliidda cayriin ee qaaradda.