Kuuriyada Waqooyi oo gantaal uga jawaabtay tallaabaddii Mareykanka

Pyongyang (Caasimada Online) – Millatariga Kuuriyada Koofureed ayaa ku warramay in Kuuriyada Waqooyi ay aroornimadi hore ee maanta ay xeebteeda bari ka ridday gantaal nuuca riddada dhexe ah.

Tallaabadan ayaa imaaneysa maalin kaddib markii ay Pyongyang wacad ku martay inay jawaab adag ka bixin doonto dhoolatus cusub oo Mareykanka ay si wada jir ah ula fuliyeen millatariga Kuuriyada Koofureed iyo Japan.

Xafiiska Taliska ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in wax u eg laba gantaal ay aroornimadi hore Kuuriyada Waqooyi ka tuurtay degmada Jangyon ee xeebta koonfur bari ee dalkaasi ka go’doonsan dunida inteeda kale.

Taliyaha guud ee ciidamada ayaa sheegay in militariga Kuuriyada Koonfureed uu sare u qaaday howlaha ilaalinta xadka, islamarkaana ay si dhow xogta isu weydaartaan Mareykanka iyo Japan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa inta badan tijaabisa gantaallo kala duwan oo u badan kuwa xanbaara madaxyada niyukleerka, gaar ahaan xilliyada ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kuuriyada Koofureed ay sameeyaan carbisyada millatari.

Gantaalada ballistic-ga ah ee Kuuriyada Waqooyi iyo barnaamijka hubka Nukliyeerka waxaa horey u mamnuucay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Laakiin tani kama joojin marnaba in Pyongyang ay sii waddo horumarinta hubkeeda iyo inay qabato dhoola-tus milatari oo aad u wanaagsan, si ay u muujiso awoodeeda.