Kuwait oo ka digtay cawaaqib xumo ka dhalan doonta dhibka lagu hayo Qatar

Kuwait  (Caasimada Online) – Amirka dowladda Kuwait ayaa ku dhawaaqay inay waajib tahay dhex dhexaadinta dowladaha Khaliijka ee xurgufta ka dhex bilaabatay isagoo ka dhawaajiyey inay arrintaan ka dhallan doonto cawaaqib xumo aan la mahdin.

Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah oo wareysi siiyey wakaaladda Wararka ee dalka Kuwait ayaa tilmaamay inay dhibaato weyn ku tahay inuu arko dowladaha xubnaha ka ah Khaliijka oo kala qeybsan.

Wuxuu tilmaamay inuu 37 sano ka hor xaadir ahaa markii lagu dhawaaqayey midowga dowladaha Khaliijka, maantana wuxuu sheegay inaysan macquul u aheyn inuu arko xubnaha dowladahaas oo kala qeybsan, taasoo uu qabo inay ka dhallan karto dhibaato aan la jeclaan doonin.

“ 37 sano ka hor ayaa la dhisay midowga dowladaha Khaliijka, in la arko xubnaha dowladahaas oo is khilaafksan waxaa ka dhallan karto dhibaato weyn” ayuu yiri  Sheikh Sabah .

“ Waa noolaa bilowgii dhisitaanka midowga dowladaha Khaliijka, waana sababta igu kalifeyso inaanan ka aamusin khilaafka, isla markaasna aan dib u heshiisiin ugu baaqo walaalaha is dagaalsan, waa waajib kamana aamusi karo” ayuu yiri amiirka

“ Si kasta oo ay dadaalada u adkaadaan, waxaan bixin doonaa dadaalkeyga ugu weyn sidii loo heshiisiin lahaa walaalaha xurgufta ka dhaxeyso” ayuu sii raaciyey.

Sheikh Sabah oo 87 sano jir ah ayaa asbuucii hore booqday Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar isagoo raadinayey in si diblomaasiyeed loo xaliyo khilaafkaan.

Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo ah wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay inay iyaga weli ku qanacsan yihiin dadaalka ay wado dowladda Kuwait isla markaasna ay ku qanci doonaan natiijo kasta oo kasoo baxdo.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
caasimada@live.com