Xog: Lafta-gareen oo lagu cadaadinayo inuu yimaado Xamar iyo qorshaha Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Jimcihii ku laabtay magaalada Muqdisho kadib labo cisho oo uu joogay magaalada Baydhabo.

Safarkii doonista Lafta-gareen guul weyn kama keenin ra’iisul wasaaruhu. Madaxweyne Xasan Sheekh oo malaha aan ku qancin farriintii Xamza kala soo noqday Lafta-gareen ayaa markale howl-galiyey Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay xooga saaray inuu Lafta-gareen ku qanciyo inuu deg deg u yimaado magaalada Muqdisho.

Laakiin sida ay inoo xaqiijiyeen dad Lafta-gareen la jooga wuxuu Aadan Madoobe iskaga fuliyay inuu Xamar imaan doono marka Aadan Madoobe kasoo noqdo safarkiisa South Afrika.

Aadan Madoobe waa ku qancay inuu Lafta-gareen yimaado Xamar markii uu isaga safarka kasoo laabto, laakiin sida aan xogta ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh taas kuma qancin.

Illo wareedyo gaar ah waxay noo xaqiijiyeen inuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbaday Sheekh Aadan Madoobe inuu safarka dibadda ah ka baaqdo oo uu taas beddelkeeda ka shaqeeyo inuu Lafta-gareen Xamar keeno.

Waxaa lasoo wariyay inuu Aadan Madoobe ogolaaday inuu safarka dibadda ah ka baaqdo. Dhinaca Lafta-gareen waxaa laga soo wariyay inuu aad uga cago-jiidayo inuu Xamar tago.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayuu kasoo diiday, haddana wuxuu isku dayaya inuu Sheekh Aadan Madoobe ku qanciyo inuu cadaadiska ka dhaafo. Lafta-gareen ma rabo inuu Aadan Madoobe lumiyo, Xasan Sheekhna taas ayuu fahamsan yahay, sababta oo ah Aadan Madoobe isagaa hadda ugu miisaan culus reer Koonfur Galbeed, wuxuu kale oo uu leeyahay saameyn togan oo deegaanka.

Cabdicasiis Lafta-gareen iyo kooxdiisa ayaa weli ku jahwareersan sababta uu Xasan Sheekh Maxamuud waqti badan ugu bixinayo inuu Lafta-gareen deg deg u yimaado Xamar, iyada oo xitaa uusan jirin shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay horey gacanteeda siyaasadeed uga maqnaayeen Somaliland iyo Puntland ayaa haddana waxay warbaahinta caalamka tabisay inay 80% lumisay cilaaqaadkii Koonfur Galbeed, taas oo daciifineysa nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Mid kamid ah sababaha Lafta-gareen loogu cadaadinayo imaatinkan waxaa loo arkaa in madaxweynaha ugu jawaabayo ra’yi caamka iyo mida kale oo ah inuu ka hortago inuu ku furmo albaabka doorashada dadban, taas oo haddii ay dhacdo soo afjareysa aragtidii Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah.