Lafta-gareen oo weeraray siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo jeeda Habar-gidir

Baydhaba (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa sheegay in maalin walba uu maqlo dad caadeystay inay been ka sheegaan maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana sheegaya in uu xasuuq ka dhacay magaalada Baydhaba.

Waxaa uu sheegay in maalin walba siyaasiyiinta mucaaradka ah sida xisbiyada ay ku mashquulaan arrimaha Koonfur Galbeed, isla markaana dad aan la dilin ay  ka been sheegaan, iyaga oo ku xumeynaya dowladda Soomaaliya.

Lafta-gareen waxa uu si gaar ah u weeraray siyaasiyiinta beesha Habar-gidir isaga oo tusaale usoo qaatay rag kasoo jeeda beeshaas ay horey Gaalkacyo ugu dileen 9 qof oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo uu sheegay inaysan ka hadlin.

“Siyaasiyiinta mucaaradka, iyaga oo aan imaan Baydhabo ayay been ka sheegaan, waxana u jeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay inay dowladda ku xumeeyaan, waxaa ku jira dadkaas kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer Koonfur Galbeed ah, gaar ahaan Gaalkacyo mana ahan kuwa xishoonaayo” ayuu yiri lafta-gareen.

Hadalkaan ayaa madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1-aad ee markii loo doortay madaxweynaha maamulkaas oo lagu qabtay Baydhabo.

Lafta-gareen ayaa sheegay in siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee hadaladaas maalin walba sheega, aysan u dul qaadan doonin kana aqbaleyn, iyaga oo qarinaya dadkii reer Koonfur Galbeed oo maalin cad lagu diley Gaalkacyo.

Xasuuqii ka dhacay Baydhaba ma ahan wax qarsan ama laga been sheegaya waxaana lagu xusay warbixintii guddiga khubarada QM ay soo saareen bishii November, taasi oo sidoo kale xustay in dowladda Soomaaliya ay xildhibaankiiba siisay 30 kun oo dollar, si ay u doortaan Lafta-gareen.