Ma la gaaray xilligii wada-hadal lala gali lahaa argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay waxaa xoogeystay wararka la xiriira inay bilaabanayaan wada-hadallo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo argagaxisada ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan isaggoo jooga waddanka Nairobi la weydiiyay in kiiska argagixisada gacan wada-hadal ah lagu fiirin karo waxa uu sheegay in wada-hadalku marwalba ku xiran yahay in labada dhinac diyaar yihiin.

Waxa uu sheegay in dowladdiisa ay marwalba diyaar u tahay xal, laakiin qadiyadda Shabaab-ka waxa uu sheegay in aanay aheyn mid maanta Soomaaliya keliya ku eg, balse ay tahay qadiyad caalami ah oo u baahan talo loo dhan yahay.

Jawaabtaas kadib dadka qaar ayaa xoojiyay inuu wada-hadal socdo, laba dhinac ayaa laga sheegay wada-hadalka, mid waa dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada, wada-hadalka labaad ee la sheegayna waa mid u dhaxeeya Mareykanka, Qatar iyo Shabaab.

Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu markale asbuucan magaalada Muqdisho ka sheegay in aanu jirin wada-hadal ay dowladda federaalka kula jirto kooxaha argagixisada ah oo haatan socda.

Xasan Sheekh inuu intaas yiraahdo ama mowduucaas caddeeyo waxay faa’iido weyn u tahay dagaalka ay dadka Soomaaliyeed iyo ciidanka xoogga dalka kula jiraan kooxaha argagixisada. Haddii aanay dowladda intaas caddeyn lahayn waxaa la aaminsan yahay in guuxaasi si taban u saameyn lahaa dagaalka, niyada ciidanka iyo mowqifka qabiilada.

Soomaalida dhexdeeda iyo beesha caalamkaba waxaa durba bilaabatay in laga dooddo in la gaaray waqtigii arrinta argagixisada wada-hadal lagu dhameyn lahaa, iyaddoo uusan dagaal toos ah socon tobankii billood ee lasoo dhaafay.

Kooxda waxay weli haysataa dhul ballaaran, tusaale; deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland wax shaqo ah oo ka dhan ah kooxda lagama qaban, halkaas oo la aaminsan yahay inay ku dhuumanayaan madaxda kooxaha argagixisada.

Qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa qaba in waqti milatari, mid afkaar iyo mid dhaqaale la galiyo in kooxda itaal ahaan loo sii wiiqo, si haddii mustaqbalka wada-hadal la galaayo uu gorgortanka u fududaado, haddii heshiiska ka baxaan oo ay khiyaamo sameeyaan aanay u noqon awood wax u dhimi karta dowladda Soomaaliya iyo dadkaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu horey u sheegay in uusan kooxda la hadli doonin illaa uu 80% wiiqo awooddooda, halkii uu madaxweynaha qabsaday weli lama gaarin, wuxuuna u baahan yahay inuu dhagaha ka fureysto fariimaha dowladdaha qaar ee caawinaya argagixisada ama dhaawacaya dagaalka.

Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya taalla maanta waa argagixisada. Waxaana in kooxda lasii wiiqo ay kabi doonta guusha dowladnimada, waxayna abuuri doonta fursado lagu hormarin karo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.