Ma shaqeyn doona mooshinka xilka looga qaadayo wasiir Axmed Macallin Fiqi?

Muqdisho (Caasimada Online) — Ku dhowaad 50 mudane oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka geysay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Xildhibaannada golaha shacabka iyaga ayaa golaha wasiirada siiya ogolaanshaha ay ku shaqeeyaan, xaq ayeyna sharciyan u leeyihiin inay dib u eegaan howsha wasiiradda.

Qaar kamid ah xildhibaannada eedda ka keenay wasiir Fiqi, waxaana halkan kusoo koobeyna nuxurka eedooda, xilliga iyo halka ay ku dhamaan karto.

Eedda xildhibaannadan waxaa kamid ah;

1. Arrinta fiisaha iyo warqadda fasaxa

Dadka ku safraya baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya waxay u baahan yihiin fasaxa wasaaradda arrimaha dibadda.

Warqadda fasaxa iyo midda safaaradaha loo diro ee lagu siiyo fiisaha dadka wata baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya waxaa bixisa wasaaradda arrimaha dibadda.

Xildhibaannada iyo hay’addaha dowladda qaar ayaa ku eedeynaya wasiir Fiqi inuu bixintii ku saleeyay saaxiibtinimo, xisbi iyo dano isaga u gaar ah oo aan lagu saleynin dan guud.

Xildhibaannada oo aan weydiinay inay dhibsadeen in la adkeeyay hanaanka safarada dibadda waxay ku doodeen in aan bixintii la joojin, lana adkeyn, balse wasiir Fiqi siiyo ciddii uu doono oo uusan jirin habraac dowladeed oo uu ku saleeyay.

Xildhibaannada mooshinka qoray waxa kale oo ay ka cabanayaan xurmo la’aan ay kala kulmeen wasiirka arrimaha dibadda.

2. Gudaha wasaaradda

Xildhibaannada saxiixay mooshinka qaar waxay sheegeen inuu jiro khilaaf ragaadiyay gudaha wasaaradda arrimaha dibadda, gaar ahaan wasiirka, wasiir ku-xigeenka, wasiiru-dowlaha iyo xoghayaha joogtada, taasina qasab tahay in daawo loo raadiyo, si aanay wasaaradda u lumin shaqadii qaranka.

Eedda khilaafka waxay saarayaan xildhibaannada wasiir Fiqi, sidoo kale xildhibaannada qaar waxay sheegayaan inuu wasiirku kala soocid deegaameysan ku sameeyay shaqaalaha wasaaradda.

3. Jahwareerinta siyaasadda arrimaha dibadda

Xildhibaannada waxay wasiirka ku eedeynayaan inuu jahwareer, farriimo isdhaawacaya iyo kuwo aan la tashi qaran kusoo bixin inuu lugaha u geliyay wasaaraddii iyo siyaasaddii arrimaha dibadda ee dalka.

4. Isbeddelka shaqaalaha iyo diblumaasiyiinta

Qaabka loo wajahayo isbeddelada shaqaalaha iyo diblumaasiyiinta ee ka socda safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay caalamka, oo ay xildhibaannada qaar sheegayaan in aan lagu saleynin aqoon iyo in lagu sameeyay sad-bursi deegaameysan.

Eedahaas ayay qabaan xildhibaannada aan la hadlany, laakiin laba arrimood ayaa xildhibaannada culeys ku noqon doonta.

Mid waa waqtiga, iyada oo Soomaaliya wajaheyso Itoobiya in la bixiyo wasiirka arrimaha dibadda waa dhaawac culus oo aan la qaadi karin.

Midda kale waa wasaaradaha guud ee dowladda. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh inta badan wasaaradaheeda waxaa ka dhex jira musuq, ku tagri-fal awoodeed iyo kiisas foolxun oo la qaadi karin.

Haddii ay xildhibaannadu rabaan inay wax hagaajiyaan waxay aheyd inay wasaaradda kale kusoo daraan dacwadan.

Dadka waxay isweydiinayaan ma shaqeyn doonaa mooshinkan, waxay u badan tahay in uusan shaqeyn oo uu madaxweynaha soo fara-geliyo oo guddoonka la hadlo, halkaasna lagu soo xiro.