Maamulka Lafta-gareen oo qaaday tallaabo yaab leh oo ka dhan ah MASAR

Xudur (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa markale si yaab leh u muujiyey diidmada ciidamada Masar, kadib markii ay dowladda federaalka meel adag iska taagtay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto howl-galka cusub ee soo socda.

Dibad-baxayaal u muuqday in lasoo abaabul ayaa waxay maanta isugu soo baxeen degmada Xuddur ee gobolka Bakool, kuwaasi oo sita boorar ay ku qoran yihiin “ma rabno Masar” iyo “soo dhawoow Itoobiya oo rabnaa”, taas oo fajaciso ku noqotay dad badan, maadaama ay hadda meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dibad-baxan looga soo horjeeday in ciidamada Masar ay badalaan kuwa Itoobiya ee hadda ku sugan gobolka Bakool ayaa waxaa dadweynaha ku wehlinayay mas’uuliyiinta gobolka Bakool.

Dibad-baxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayeen Al-Shabaab, iyagoo u arka ciidankan in ay naftooda u hureen amniga dadka deegaanka.

Ka qeyb-galayaasha dibad-baxa ayaa sheegay sida ay uga xun yihiin in ciidamada Itoobiya  lagu badalo ciidamada Masar, oo iyaga laftigooda ay ka dhaxeyso xiisadda salka ku haysa webiga Nile.

Sidoo kale waxay dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay diiradda saarto xallinta arrimaha Itoobiya kala dhaxeeya, halkii ay abuuri caqabad hor leh, oo ay u arkaan imaatinka ciidamada Masar.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon.