MADAALE oo tallaabo u qaaday maqaamka Muqdisho xilli ay taagan tahay xiisad

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka muhiim ah oo looga hadlay maqaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shirkan oo ka qabsoomay aqalka dowladda hoose ee Xamar degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Intii uu socday shirka ayaa wada-tashi dheer looga yeeshay habka loo wajahayo maqaamka caasimadda, xilli ay todobaadkii hore golaha wasiirada ansixiyeen sharciga doorashooyinka dalka, kaas oo aan lagu caddeyn maqaamka rasmiga ah ee Muqdisho.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii maamulada degmooyinka gobolka Banaadir iyo ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ay ugu wada-shaqeyn lahaayeen horumarka caasimadda iyo sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay markale cirka isku shareertay xiisadda raadinta maqaamka caasimada Muqdisho, ayada oo su’aal laga keenay sababta aan maqaamka caasimadda loogu cadeyn shuruucda dhawaan la ansixiyay.

Guddoomiyihi hore gobolka Banaadir Xasan Muungaab ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn qeybta uga ah doodda maqaamka ee xilligaan taagan, isaggoo tilmaamay in xilligeedii la joogo in caasimadda ay hesho metelaad dhab ah.

“Muqdisho waa in ay heshaa maqaam marka hore laga talogeliyay dadka deegaanka, iskuna dheelitiraya xuquuqdooda iyo xaqqa Umadda Soomaaliyeed ee ay caasimadda u tahay, islamarkaana ay heshaa metelaad aqalka sare ah iyo awood fulineed oo mideysan,” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale waxaa socda dhaq-dhaqaaqa xooggan oo lagu doonayo in metelaad ay yeelato Muqdisho, kaasi oo uu qeyb ka yahay Ugaaska Mudulood, Ugaas Maxamuud oo isagu sheegay in reer Muqdisho ay deg deg uga tashan doonaan masiirkooda.

“Ciddii tashan weydo waligeed ayey ahaan jirtay in loo taliyo,waa ku mahadsan tahay cid kasta oo gacan ka geysatay qodobka 22-aad ee xeerka maanta soo baxay, wan jiifnay waana na toosiyeen,Muqdisho dadka degan ayaa deg-deg uga tashan doona, masiirkeeda waxayna xuquuqda iyo wajibaadka ay kala sinaan doonta gobolada dalka iyadoo la ilaalinayo sharafta iyo karaamada caasimadnimo.”