Madax muhiim u ahaa Al-Shabaab oo usoo gacan galay ciidanka dowladda (Sawirro)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxii maaliyadda kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug ayaa usoo gacan galay, sida uu shaaciyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabaas Shiikhdoon ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka booliska Soomaaliyeed ee ka howl-gala degmada Hobyo iyo deegaanada hoostaga.

Cabaas ayaa saraakiisha ciidanka u sheegay in kooxda Al-Shabaab uu uga biiray degmada Xarardheere, sida uu warbaahinta dowladda uu la wadaagay taliyaha booliska Hobyo L/Xidigle Maxamed Cadceed.

Horjoogahan ayaa dadka shacabka ah kooxda uga aruurin jiray lacago iyo xoolo baad ah, ayada ciidamada dowladda ay mar ku dhaawaceen duleedka deegaanka Xinlebi ee gobolka Mudug.

Ninkaan ayaa sheegay inuu u adkeysa waayey xaaladda ay ku jiraan kooxda Al-Shabaab ee duurka fog ku dhuumaaleysanaya, sida lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda.

Cabaas ayaa u suurta-gashay inuu xiriir lasoo sameeyo saraakiisha ciidamada dowladda, iyadoo looga hortegay aagga deegaanka Caad.

Ninkan ayaa kamid noqonaya horjoogayaal dhowr ah oo tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab isu soo dhiibay ciidanka dowladda, ayada oo dhawaan la filayo inuu bilowdo wejiga labaad oo lagu wado inuu ka adkaan doono kii hore, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinaysay.