Madaxweynaha Ruushka oo hal arrin oo farxad u ah Qadar taleefoonka ugu sheegay boqorka Sacuudiga

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Ruusha Vladimir Putin ayaa taleefoon kala hadlay Boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdulcasiis, si uu ugala hadlo dhibaatada Khaliijka iyo waxa ay kusoo kordhin karto Bariga Dhexe.

Labada Madaxweyne ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Bariga Dhexe, waxayna si gaar ah uga wada hadleen dhibaatada ka taagan Khaliijka ee ka dhalatay go’doomintii lagu sameeyey.

Madaxweynaha Ruushka ayaa dhigiisa Sacuudiga u sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada ka dhex bilaabatay dowladaha Khaliijka isagoo sheegay in laga yaabo inay saameyn ku yeelato dadaalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada Suuriya sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu boqorka ka codsaday in arrintaan si deg deg ah xal looga gaaro isla markaasna meesha laga saaro khilaafka sii xoogeysanayo ee u dhaxeeyo dowladaha Khaliijka.

Wicitaankaan ayaa qeyb ka ah dadaal uu Madaxweynaha Ruushka ku doonayo inuu arrintaan xal u keeno isagoo sidoo kalana taleefoonka kala hadlay madaxda inta badan dowladaha Carabta, wuxuuna dhammaantood si isku mid ah uga codsaday inay ka shaqeeyaan sidii arrintaan loo dhameyn lahaa si nabadgalyo ah.

Madaxweynaha Ruushka ayaa kaliya arrintaan ka fiiriyey dantiisa iyo dagaalka uu Suuriya kula jiro Kooxda Daacish, wuxuuna aaminsan yahay in dowladaha Carabta ee hadda is khilaafkan ay door weyn ku lahaayeen dagaalka, haddii ay iyaga isku mashquulaana ay saameyn xun ku yeelan doonto sii socoshada dagaalkaas.

Dowladda Ruushka ayaa aaminsan in dhibaatada lagu xaliyo miiska wadahadalka iyadoo si isku mid ah loo fiirinayo danaha dowladaha is Khilaafsan, wuxuuna Madaxweynaha Ruushka sidoo kale arrintaan kala hadlay Boqorka dalka Qatar Shekh Sabaax.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com