Madaxweyne XASAN oo saddex arrin ka dalbaday shacabka, xilli ay taagan tahay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shacabka ugu hambalyeeyay xuska maalinta qaran ee calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar oo maanta ku beegan.

Madaxweynaha oo hambalyo diiran la wadaagay shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale u diray fariin culus, isaga oo ka dalbaday in ay xoojiyaan saddex arrimood oo kala ah midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, maadaama ay jiraan xaalado adag ayna taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

“Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:-

Muqdisho, Oktoobar 12, 2024 ; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin xasuus iyo sharaf leh oo ku asteysan midnimada, qaranimada iyo halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xorriyadda.

“Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xor ka ah argagixisada, barwaaqana ay ku noolyihiin dadkeedu.