Madaxweyne Erdogan oo weerar kulul ku qaaday Midowga Yurub kuna eedeeyey…

Ankara (Caasimada Online) – Turkigu “laydh qabaw” ayaa mari lahayd haddii Midawga Yurub uu u sheegyo in uusan noqon karin xubin ka mid ah, waxaa sidaas yiri madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Isaga oo la hadlaya barnaamijka BBC-da ka baxa ee HARDtalk, ayuu sheeday in Turkigu uu awoodo in uu labadiisa cagood ku istaago.

Wuxuu sidoo kale diiday in Turkiga lagu xidhxidhay 150 weriye, isaga oo sheegay in ay xiran yihiin oo kali ah 2 ruux oo aqoonsi saxaafadeed haysata.

Sheegashadaas ayaa imaanaysa iyadoo uu dalku kordhiyay wakhtigii ay xidhnayd haweenayda madaxda u ah hay’adda Amnesty International iyo sagaal ruux oo kale.

Idil Eser ayaa la xidhay 5tii bishan Luulyo iyadoo ay weheliyaan 7 ruux oo kale oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo labo ruux oo ajaaniib ah oo tababar u fidinaya.

Tobankaas ruux ayaa lagu eedeeyay in ay xubno ka yihiin “urur argagixiso oo hubaysan” – inkastoo Amnesty ay sheegtay in aysan caddayn midka uu yahay.

Arrintaas ayaa keentay in dareen caalami ah oo ku saabsan cabsi sii siyaadaysa oo ah in Erdogan uu la yimid cabudhinta xorriyatul qawlka.

Walaacan ayaa curyaaminaya dalabkii uu dalkaasi ku raadinayay xubin ka noqoshada Midawga Yurub, inkastoo uu madaxweynuhu ku eedayay ururka in ay wakhtiga ka luminayaan Turkiga.

Anagu dunida daacad baan u nahay,” ayuu u sheegay BBC. “Haddii Midawga Yurub uu si cad noo dhaho ma awoodno in aan Turkiga u aqbalno xubin ahaan, anaga laydh ayaa nagu mari lahayd, waxaana billaabi lahayn qorsheyaasha kale ee noo yaalla.

“Midawga Yurub lagama maarmaan nooma aha … xaalad degan ayaan ku jirnaa.

Madaxweyne Erdogan ayaa la waydiiyay waxa uu ka qabo xaaladda cakiran ee ka taagan dalalka Khaliijka?

Wuxuu ku jawaabay “annagu qayb kama nihin dhibkan. Taas badalkeedana waxaan rabnaa in aan khaliijka ka dardargalino wadahadal iyo nabad. Waxaan u dagdagaynaa sidii aan u xalin lahayn arrintaas. Turkigu marnaba ma uusan kala jeclaysanin Muslim Muslim kale ku dilaya gobolkan. Ma doonayno in aan aragno Muslim Muslim kale la dagaalaya. Arrintaasna waan ka daalnay” ayuu yiiri Erdogan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com