Madaxweyne GUUDLAAWE ma isku bad-baadin doonaa billaha u haray mise…?

Jowhar (Caasimada Online) – Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa hoggaamiyaha maamulka HirShabelle loo doortay 11-kii bisha Novermber 2020, waxaana muddo xileedkiisa saxda ka ah ka dhiman afar bilood iyo labaatan cisho.

Waa hoggaamiye goboleedka qura ee maanta haysta muddo xileed xalaal, marka laga reebo Saciid Cabdullaahi Deni oo dib loo doortay.

Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waa dhaafeen sanadihii saxda ahaa ee loo doortay, qaar ayaa isku dayay inay iskugu daraan iyagoo marawya golahooda wakiiladda, laakiin taasi sharci ma ahan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanna loogama heshiinin.

Dalka hadda wuxuu ku jiraa jahwareer doorasho oo heer maamul goboleed ah. Ma cadda waxa qabsoomi doona doorasho qof iyo cod ah iyo mid dadban.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan la kulmay madaxda maamullada waa u sheegi waayay war cad oo aan aheyn iska jooga sharci la’aan, taasina waxay kasoo horjeeda dastuurka dalka iyo wax walba oo umadda Soomaaliyeed ku heshiisay.

Madaxda mamullada qaar maanta iskuma dayi karaan inay dhisaan guddi doorasho oo iyagu go’aankooda leeyihiin oo waxaa ka hor imaan karta dowladda dhexe iyo dadka raadinaya kuraasta maamul goboleedyada.

Waxaa ku filan in la yiraahdo ma haysataan sharciyo aad ku dhistaan guddi doorasho oo waqtigii waa idinka dhamaaday, waxaana la siman tihiin daneeyayaasha kale ee doorashada.

Halkaas waxaa ka dhalan doonta in xitaa haddii la aadayo doorasho dadban in wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah inay la wareegto maamulka doorashada qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Balse Cali Guudlaawe dhowrka billood ee soo socota waa budo gaar u tuman, wuxuu awoodda inuu iska diido in uu sharci darro sameeyo oo muddo kororsi qaato, taas oo sharaf iyo fursadba u ah.

Wuxuu maanta awoodda Cali Guudlaawe inuu dhiso guddigii doorashada maamulka HirShabelle, wuxuu kale oo kari karaa inuu waqtigeeda ku qabto doorashada. Haddii uu halkaasi ka baxo wuxuu noqonaya midka maamulaya doorashadiisa, mid sharciyaddii ilaaliyay iyo nin fursad u haysta inuu kursiga kusoo laabto.

Laakiin haddii la dhaafo 11-ka bisha Novermber ee 2024 Cali Guudlaawe waxba gacanta uguma jiraan, wuxuuna lamid noqon doona madaxda kale ee maamullada ee sharci la’aanta ku fadhiya kuraasta. Wuxuuna gunaanadka magan u noqon doona inuu sugo jihada uu rabo madaxweyne Xasan Sheekh inay wax ku dhamaadan.

Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa jira warar sheegaya inuu rabo in kursiga madaxtinimada HirShabelle loo celiyo reer Beledweyne, halka Cali Guudlaawe iyo xisaab beeleedkiisa hoosena ay ku adkeysanayaa inay xilka madaxtinimada HirShabelle ku faro adeygaan oo Xasan Sheekh laga yeelin qorshihiisa.

Haddii Cali Guudlaawe midda dambe muhiim u arko fursaddiisa waxay ku jirtaa sida uu u dhaqmo 120 maalmood ee soo aadan oo ay weli taladu sharciyan gacantiisa ku jirto.

Tusaalaha ugu dhow ee Cali Guudlaawe uu heli karo waa Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo xilli dambe fahmay inay mucaaradkiisa rabeen inay dhaafiyaan muddo xileedka sharciga ah, kadibna kula dhagaan awoodda iyo doorashadaba maadaama uusan sharciyad haysan.

Laakiin Deni waa isbad-baadiyay oo maalmihii u haray ayuu doorashada ku qabtay, taas oo u dhashay inuu dib ugu soo laabto xafiiska.

Sida uu Cali Guudlaawe u dhaqmi doono iyo shax siyaasadeedka uu ciyaari doono 120 cisho ee soo aadan ayaa hadda indhaha lagu hayaa.