Madaxweyne XASAN ma sumcaddii qaranka ayuu dhaafsaday dan shaqsi ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qofka madaxda ka ah dal, mid kamid ah shaqooyinka horyaalla waa dhismaha hanka umaddiisa, difaaca sharaftooda iyo kabka sida taariikh wax ku ool ah usoo hoyn lahaayeen.

Laakiin waa naadir in la arko qof madax ah oo ay caadi la tahay inay dadkiisa wax ku oolka ah qab jabiyo qaranka kale dantiisa.

Balse Soomaaliya labo sano gudahood laba jeer ayay ka dhacday inuu qaranka hurweyntiisa hanka leh u gacmo qabto dalal kale, taas oo ah fadeexad aan indhaha laga qarsan karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu labaddii sano ee ugu horreysay muddo xileedkiisi labaad la kulmay labo gabdhood oo Soomaali ah oo hankooda uu yahay in heer Afrika oo dhan ah iyo heer caalamka oo dhan ah inay xilal ka qabtaan.

Laakiin hankii labadaasi gabdhoodba wuxuu ku naf baxay albaabka guriga madaxweynaha ee Villa Somalia.

Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir waxay damacday oo ay isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka. Waa gabadh Xildhibaanad ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, deegaan ahaaana kasoo jeeda Puntland.

Wax walba markii ay meel loo qaateen ah usoo gaareen Marwo waxaa dhabar-jebisay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin doodda ay dowladda ku hor istaagtay gabadhan ayaa dadka qaar aqbaleen, iyada oo lagu dooday in Tanzania oo codkii Soomaaliya la siiyay, Marwana dartood looga reebay inay Soomaaliya uga hartay tartanka xubinta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee QM, sidoo kalena ay Soomaaliya ku garabsiinaysay inay qeyb ka noqoto ururka bulshada bariga Afrika.

Aan xooga qiil ku siino dowladda kiiska xildhibaan Marwo oo aan dhahno dan qaran ayaa lagu beddeshay, laakiin midda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo isku sharaxday guddoomiyaha ururka Midowga Afrika oo loo gacmo qabanayo maxaa lagu beddeshay?

Si walba oo aad maanta u aqriso xaaladaha siyaasadeed ee gobolka, mida Afrika iyo tan caalamkaba ma heli kartid wax ka badan in Fowsiya la dhaafsaday dano shaqsi ah.

Markii dowladdaha gobolka iyo kuwa caalamkaba ogyihiin in uusan jirin mowduuc weyn oo aad uga tanaasuli karto inuu dalkaaga u tartamo kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika, oo sidoo kale muwaadiniintaadana ogyihiin in aysan jirin wax dan qaran ah oo ugu beddeshay tallaabadan, oo xitaa ninka aad dalkiisa u tanaasuleyso uusan arkin wax dan guud ah oo miiska usoo saaray keliya ma aadan dilin qofka aad kursiga dhaafsiisay ee waxaad kale oo burburisay sumcaddii qarankaaga oo waxaad muujisay inuu go’aanka dalkaagu qiimo jaban joogo.

Tallaabadan lagu hor istaagay damaca ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan waa diiwaan madow iyo faddeexad deg deg ugu saaqday ruuxda xukun ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Qof walba oo madax ka noqday Soomaaliya wuxuu leeyahay diiwaano togan iyo kuwo taban. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud diiwaankiisa taban waxaa hareynaya kiisas iskugu jira fadeexaddo musuq, hanjab qaran iyo eex deegaan ama diidmada dad gaar ah.