Madaxweyne Xasan oo farriin culus oo la xiriirta doorashooyinka u diray shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn ugu dhagan qorshaha doorasho qof iyo cod ah ayaa farriin cusub u direy shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ku booriyay in xukuumadda lagu garabsiiyo meel-marinta qorsheyasha qaran ee ay ugu muhiimsan yihiin in shacabka codkooda ku soo doortan hoggaanka dalka iyo sidoo kale in argagixisada laga sifeeyo dalka.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey daahfurka qorshaha isbeddelka qaranka ee 2025-2029 ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay marxaladaha kala duwan ee uu dalka u soo maray in uu helo hannaan qaran oo sal adag leh, cabadaha ku gedaaman iyo fursadaha, si looga miro dhaliyo aragtiyaha ummadda ku jiheyneysa hiigsi iyo himiloyin fog.

Waxa uu xusay in xukuumadda Soomaaliya oo ka duuleyso xaqiijinta hadafyada horumarineed ee uu dalkeennu u baahan yahay ay diiradda saartay sameynta qorshaha isbeddelka qaranka oo ku qotomo la fal-gelidda xaaladaha taagan, soo saaridda khayraadka dalkeenna, ka faa’iideysiga fursadaha iyo khibradda aan u leenahay in aan ku saleyno baahiyaha ay dadkeenna u qabaan hirgelinta ujeedooyin waxtar leh ee guuleysta.

“Soomaaliyada cusub ee aan rabno 2060-ka, waa ka duwan tahay tan aan maanta joogno, dhabbaha iyo qorshaha aan dejinay haddan ka run sheegno waa xaqiijin karnaa aragtideedna, waxaana sameyn karnaa in aan qaadno tallaabooyin waaweyn iyo mucjusooyin aan adduunyada hore uga dhicin haddan iska kaashanno ka shaqeysiinta qorshaha isbeddelka qaranka ee 2025-2029,” ayu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxay taasi abuureysa kalsooni iyo maalgashiyo waaweyn oo ay ku dhiiradaan ganacsatadeenna iyo kuwa caalamkaba in ay mashaariic ka hirgeliyaan dalka gudahisa, waana bilaabatay hadda howshaas, kuwa badanna inta uusan dhamman sannadka ayaa dhagax dhigi doonna.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay in ay isbedel dhab ah ka sameyso dhinacyada, xoojinta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, tayeynta garsoorka iyo adeegyada bulshada oo ay ugu horreyaan tacliinta, caafimaadka iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Waxa kale oo uu dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in la kobciyo hay’adaha gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado hal abuurka iyo wax soo saarka dalka, iyada oo ay dowladdu ku hoggaamineyso sameynta xeerarka, shuruucda iyo dhaqangelintooda, ilaalinta xasillonida iyo daah-furnaanta si loo helo deegaan nabdoon oo u sahlaya ganacsatada in ay ku soo bandhigaan maalgashigooda.

“Suura-gal ma ahan marnaba in Soomaaliya ay sii joogto halkii ay joogtay muddo dheer, si cabsida looga gudbana waa in si daah-furan loo wajaho caqbadaha waaweyn, lagana dabaasho xaaladaha adag, iyada oo markasta xoogga la saarayo waddada guusha, lana yareynayo guul darrada si loo xaqiijiyo hadafyada fog ee ay dadka Soomaaliyeed filayaan, loona gaaro horumar waara.”

Ugu dambeyntiina wuxuu madaxweynaha xusay in kala aragti duwanaanta dadkeenna ay tahay mid muujineyso ilbaxnimo, buseyl, qadarin iyo dhiiragelin ay mas’uuliyiinta dowladda ay helayaan si loo hormariyo dowladnimadeenna iyo isbedelka togan.