Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada Washington, kuwaas oo looga hadlayo arrimo ku saabsan xaaladd Soomaalya, isagoo sidoo kale dalab ku aadan cunaqabateyna hubka u gudbiyay dowladda Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarunta Pentagon-ka kula kulmay wasiirka difaaca Mareykanka, Lloyd Austin oo ay ka wadahadleen arrimo ku saabsan xaaladda dalka.
Ugu horreyn Austin ayaa ku boggaadiyay madaxweynaha horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka Al-Shabaab.
Dhankiiisa madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka iyo dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Washingtin kula kulmay safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, iyaga oo yeeshay wadahadalo dhinacyo kala duwan ah oo ku aadan xaaladda guud ee Soomaaliya,
Linda ayaa Xasan Sheekh ku boggaadisay sida ay uga go’an tahay dib u heshiisiin qaran iyo horumarada laga sameeyey hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxa ay sidoo kale ballan qaaday in dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay inuu garab istaagto yoolasha xilliga kala guurka amniga ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, marka la gaaro bisha December ee sannadka 2024.
Waxaa kale oo ay intaasi kusii daray in Mareykanka uu wax kala qaban doono arrimo bani’aadanimada, gaar ahaan cunto yarida ka jirta Soomaaliya.
Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb qaataa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda dalka.