Xasan Sheekh oo qaaday tallaabo la xiriirta qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii is-miidaaminta ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo dalka ka maqnaa xilliga uu dhacayay weerarkaasi, balse haatan soo laabtay ayaa xalay kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee dowladda, isaga oo kala hadlay ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo qodobo kale.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankan oo saacado badan qaatay lagu gorfeeyay weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad, ayada oo madaxweynaha lala wadaagay baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo xogta is-miidaamiyaha fuliyay, maadaama uu shaki weyn ka dhashay qaabka uu ku gaaray gudaha xerada..

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha uu la kulmay waxa uu faray inay qaadaan tallaabo ku aadan weerarkaasi, isla-markaana ay sameeyaan baaris guud.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in saraakiisha hay’adaha amniga laga rabo inay jawaab cad ka keenaan dhacdadaasi, si ay dowladdu u qaado tallaabada ugu haboon.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, ayada oo madaxweynaha uu warbixin ka dhageystay saraakiisha qaar, kuwaas oo faah faahin ka bixiyay guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyay ee dhacay.

Qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa askarta milatariga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa fuliyay qof soo xirtay jaakadda qaraxyada, kaas oo gudaha u galay xerada, kadibna beegsaday ciidamadaas, xilli ay ku jireen safaf dhaadheer.

Ciidamada la qarxiyay ayaa ka tirsanaa guutada 14ka October ee fadhigoodu yahay gudaha magaallada Marka, waxaana weerarkan laga keenay su’aallo ku aadan in kooxda Shabaab lagala shaqeeyay qaraxaas, maadaama Kulliyadda Jaalle Siyaad ay tahay meel la ilaaliyo.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli dowladda Soomaaliya ay isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dalalka dariska ah.