Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay inuu xilka ka tegayo haddii Somaliland…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay munaasabadda 26-ka June ayaa ka hadlay arrimo ku aadan midnimada, isagoo soo hadal qaaday maqnaashaha Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday inuu ka shaqeeyo midnimada dalka iyo sidii loo soo celin lahaa gobollada waqooyi, si ay mar kale u midowdo Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu diyaar u yahay inuu xilka uga tego arrinta midnimada, gaar ahaan soo celinta Somaliland oo haatan dooneysa inay ka go’do dalka.

“Xilkeyga xittaa diyaar baan u ahay inaan uga tago in Somaliland kusoo noqoto midnimada Soomaaliya” ayuu ku yiri khudbadda uu xalay jeediyay madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale waxa soo hadal qaaday xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiska badda, wuxuuna sheegay in aysan ogolaan doonin in qeyb kamid dhulka Soomaaliyeed la gooyo.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in aysan kasoo horjeedin in Somaliland heshiisyo ganacsi iyo maalgashi ay la sameysato adduunka, balse waxa uu tilmaamay inay diidan yihiin in la iibsado badda iyo dhulka Soomaaliyeed, waxna loo dhimo midnimada dalka.

“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan labada dhinac ay ka dhexeyso xiisad xoogan, waxaana uga sii dartay heshiiska badda ee Itoobiya, kaas oo ay diiday dowladda dhexe, kuna tilmaamtay inuu xadgudub ku yahay madax banaanida dhuleed ee dalka.