Madaxweyne XASAN oo shir xasaasi ah u furay Culimada Soomaaliyeed + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, kaas oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda diinta iyo awqaafka ee dowladda Soomaaliya.

Shirweynaha Culimada oo la qabanayo sanadkiisa labaad ayaa waxaa ka qeyb galaya Culimo Soomaaliyeed oo isaga kala timid dalka iyo dibaddiisa.

Sanadkan ayaa waxaa shirka diiradda lagu saarayaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, waxaana Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo furitaanka khudbad dheer ka jeediyay ayaa ugu baaqay cuilmada Soomaaliyeed inay midoobaan, isla markaana ay qaataan kaalintooda wacyigelinta ee ku aadan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay culimo kala duwan oo ku jiro guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo sheegay in shirkooda ay uga hadli doonaan arrimo xasaasi ah, ayna kasoo saari doono go’aanno wax ku ool ah.

“Shirkani waa shirkii ay culimadu run isugu sheegi lahayd ummaddana run loogu sheegi lahaa”” ayuu madasha ka yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Shirkii culimada ayaa sanadkii hore waxaa lagu bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab sidoo kale Culimada ayaa isku raacay in dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta uu yahay Jihaad, ayna tahay in laga wada qayb-qaato.

Si kastaba, shirka ayaa hadana sanadkan kusoo aaday, ayada oo weli dalka uu ku jiro marxalad dagaal, isla markaana deegaanno badan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.