Madaxweyne XASAN Sheekh oo la tagay hal-abuurkii mucaaradnimada – Sidee?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah qodobada ugu hadal-haynta badan fadhiyada waaweyn ee siyaasiyadeed ee Soomaaliya, waa in uusan dalka laheyn mucaarad macno leh oo si fiican ula dhigta nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Iyada oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay gashay qaladaad badan oo ay boobtay dhulkii danta guud, faagatay qabuurihii, musuqii uu xarko goostay, saddex jeer ay sameysay canshuur kordhin aan adeeg cusub la socon, dagaalkii argagixisada ay kasoo laabatay, dastuurkii ku xad-gudubtay, doorashadii maamullada diiday, dalkiina dhaqaale la’aan ku riday, ayaa dhinaca kale waxaa maanta muuqan mucaarad ka shaqeynaya in nidaamka jira la dheeli-tiro, lagana badbaadiyo aragtida ay dantii guud ugu beddelanayaan dano gaar ah.

Itaal-xumada iyo aragti gaabnida ka muuqata mucaaradka maanta ayaa dadka qaar ku qasabtay inay Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa ninkii iska lahaa aragtidii mucaaradnimada xilligii laga soo horjeeday nidaamkii Farmaajo.

Xasan Sheekh xilligii uu mucaaradka ahaa wuxuu awooday inuu subixii odayaasha qaabilo, duhurkii haweenka qaabilo, oo galabkii uu dhalinyarada arko, oo habeenkii uu ganacsatada la shiro, uu asbuuciina laba jeer uu tego Xalane oo ajnabiga la fariisto, oo lacag aruuriyo oo asbuuc walba xildhibaanno shiriyo, oo maalmaha qaarna qabiilo shiriyo oo maalin taliyaasha ciidanka raadiyo, maalina hub aruursado, oo doodaha waaweyn fariistay, oo sidoo kalena maqaalo naqdina ku qoro warbaahinta caalamiga ah.

Waxa uu intaas oo dhan ka shaqeynayay, ama iibinayah in nidaamka jooga la dheelitiro, lagana hortago hagar-daamadooda, la isla qorsheeyo sidii loo bixin lahaa oo aan marna culeyska laga dulqaadin kooxdii talada haysay.

Shaqadaas wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud bilaabay markii uu Farmaajo xukunka joogay hal sano iyo lix billood. Maanta Xasan Sheekh wuxuu tallada jooga labo sano iyo saddex bilood, mana jiro mucaarad intaas sameyn kara ama dhabaheeddii haya.

Hadda si fudud waxaad u dhihi kartaa Xasan Sheekh ayuu ahaa hal abuurkii iyo caqligii Farmaajo la diriray, taasina waa midda sahashay inuu isagu beddelo. Xasan Sheekh inkasta oo uu leeyahay ceebo badan oo hab xukunka, musuqa iyo qabyaaladda la xiriira, haddana lama dafiri karo inuu leeyahay hal abuur uu maalin xukunka ku qaadan karo maalina mucaaradnimo xooggan ku jili karo.

Rag sheegan jiray inay hal abuur mucaaradnimo leeyihiin, ama ay dhiseen aragtidii Farmaajo la dirirka ayaa hadda fashilmay oo Facebook ka badin waayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu dhawaan meel-marsado cutubyada dhiman ee dastuurka, daynta lacageed ee uu sugayana uu helo, ciidan beeleedka uu waayahan dhisanayana ay u dhameystirmaan, shuruucda doorashooyinka iyo guddiga doorashadana uu qaato, intan waa kasii xoog badnaan doona waana adkaan doonta in xukunka si fudud looga qaado.

Dal walba oo ay ka jirto dowlad dimuqraadi ah waa u baahan yahay inuu jiro mucaarad awood leh oo dheelitiri kara dowladda, si uusan xukunka u noqon mid boqortooyo, mana cadda in mucaaradka maanta kasoo horjeeda Xasan Sheekh inay firaaqaas muuqda buuxin karaan xilliyada soo aadan.