Madaxweyne Xasan Sheekh oo xeeladeystay iyo xujo labaad oo hortaalla

Muqdisho (Caasimada Online) – Inay madaxda u jawaabto shacabkooda waa nooc kamid ah dhaqamada wanaagsan ee hoggaanka casriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka caasimadda ayaa fooda isdaray asbuucan kadib markii ay dadka u adkeysan waayeen culeyska dhaqaale ee caasimada ka jira, canshuuraha xad dhaafka ah, lacagaha shirkadaha gaarka ah lagu guranayo iyo dhibaatada lagu hayo bajaaj-leyda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku-dayay bilowgii hore inuu inkiro dhibaatada dhaqaale ee taalla caasimadda iyo caqabadaha ay ka cabanayaan bulshada.

Laakiin inkiraadiisi ayaa la kulantay fal-celin shacab oo uusan fileyn, waxaana xigay banaanbaxyo iyo shaqo joojintii ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Xasan Sheekh ayaa lagu qasbay inuu dib u saxo qaladaadkii ku jiray laba farriin oo uu kaga hadlay culeyska dhaqaale ee caasimadda.

Sixidu waxay u baahatay inay noqoto shaqo ficil ah, wuxuuna madaxweynaha sida muuqata ku qancay in aanay dadka hadal cidlo ah ku dageynin.

Laba tallaabo oo Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa ay qaadeen 48 saac ee lasoo dhaafay ayaa madaxweynaha ka dejisay culeyskii ka taagna magaalada Muqdisho.

Mid waa arrinta bajaaj-leyda, midna waa cabashadii ganacsatada ee la xiriirtay dekedda magaalada Muqdisho.

Lacag 115 dollar ah oo sharci darro aheyd ayaa laga dulqaaday bajaaj-leyda, lacagahaas ayaa ku dhici jiray akoono iyo jeebabka shaqsiyaad gaar.

Culeyskii ka jiray dekedda magaalada Muqdisho ayaa laga gaaray is-afaham, ayada oo ganacsatada suuqa Bakaaraha ay bilaabeen inay dib u furaan goobahooda ganacsiga.

Intii ay jirtay xiisaddan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lumiyay shacbiyad xoog leh, waxaana kooxdiisa si aan qarsooneyn ay ugu soo qanacday inay mucaaradka qaar ka faa’iideysanayaan carrada shacabka, madaxweynuhuna uu sii wiiqmi doono haddii uusan tallaabooyin qaadin.

Tallaabooyinka hadda la qaaday marna waa badbaada danyarta marna waa badbaadada Xasan Sheekh, laakiin midda muhiimka ah ee u baahan in aad loola socdo waa dhaqan-galka go’aamada hadda soo baxay.

Dadka qaar ayaa aaminsan in go’aamadan lagu daminayo xaaladda, balse maalmo kadib ay wax walba halkoodii ku laaban doonaan.

Laakiin dadka ay arrintan sida gaarka ah u damqineyso waxaa laga rabaa inay isha ku hayaan dhaq-dhaqaaqa fulinta go’aamadan oo haddii uu xaalka halkii hore ku laabto waxaa lagu qasbanaan doonaan in deg-deg loo diido, maadaama ay yihiin culesyo aan la qaadi karin iyo ballan ka baxyo.