Madaxweyne Xasan Sheekh yaa ka duminaya xasiloonida siyaasadda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daba-yaaqaddii asbuucii hore ku guuleystay inuu hoos u dhigo xiisaddii isaga iyo reer Koonfur Galbeed, laakiin markale waxaa la qaaday tallaabo muujineysa in uusan heshiiska daacad ka aheyn dhanka dowladda federaalka.

Maalin kahor waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu celiyay xildhibaan Ciirow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka ayaa kusii jeeday magaalada Baydhabo. Wuxuu weriyaasha u sheegay in taliska nabad-sugidda ka hor istaagay inuu u safro Baydhabo xilli uu u socdo tacsida geerida wiilkiisa.

Xildhibaan Ciirow ayaa toos u eedeeyay Taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo uu sheegay inuu isagu ka dambeeyay caburinta iyo is-hortaagga lagu sameeyay.

Wuxuu yiri Xildhibaanka, “horey ayuu xarig xildhibaan kursigiisa ugu waayay, haddana wuxuu markale bilaabay caburinta iyo beegsiga xildhibaannada.”

Xildhibaan Ciirow wuxuu durba tegay fadhiga Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya shalay, halkaas oo buux xooggan uu ka bilowday kadib markii uu xildhibaanka dalbaday inuu ka hadlo dhibka loo geystay.

Arrintan ayaa dib usoo faagtay xiisaddii Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah, waxay kale oo muujisay in dowladda dhexe aysan ka laaban go’aankii lagu xayiray liis kamid ah xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku aragtida ah hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Waxay kale oo dhacdadan fursad cusub siinaysa maamulka Koonfur Galbeed oo iyaguna dib usoo celin doona dhaqankii ay Baydhabo ugu diidi jireen dadka ka aragtida duwan, mar haddii ay dowladdii dhexe dariiqaas qaldan aaday.

Illo wareed aan rabin in magaciisa la isticmaalo ayaa laga soo xiganaya in uusan madaxweyne Xasan Sheekh kaalin ku laheyn tallaabada lagu joojiyay xildhibaankan.

Laakiin haddii ay taasi dhab tahay waa inuu madaxweynaha fahma inay jiraan dad wax uga ciyaaraya oo duminaya xasiloonida siyaasadda.

In Xasan Sheekh oo aan hadda haysan Puntland iyo Somaliland uu haddana lumiyo Koonfur Galbeed, macnaheedu waa inuu ku fashilmay isku hayntii iyo midnimaddii dalka.

Si uu taas uga hortago Xasan Sheekh waa ku qasban yahay inuu dhulka isku dhigo reer Koonfur Galbeed. Laakiin hadda wixii uu 10 cisho ka shaqeynayay in sidaan fudud loo dhaawaco oo xiisaddii meesheeda lagu celiyo sax ma ahan.

NISA oo loo haysto is-hortaaga xildhibaannada Koonfur Galbeed kama jawaabin eedaha loo soo jeediyay. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u baahan yahay inuu mideeyo aragtidiisa iyo ficilada dowladdiisa.

Dadka reer Koonfur Galbeed ee ka hadlay ficilka lagu hor istaagay xildhibaanka tacsida u socday ee Ciirow waxay leeyihiin majirto si la isku waafajin karo in Xasan Sheekh uu nabad rabo oo uu ergo soo dirsanayo iyo inuu xildhibaannada Koonfur Galbeed u diidan yahay xoriyaddii socdaalka oo uu ku celinayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Illo dowladda ka tirsan waxa ay leeyihiin awoodaha sar-sare ee dowladda ayaa isku aragti ka aheyn arrinta Koonfur Galbeed, waana midda keenaysa in tallaabooyin is-khilaafsan la qaado, laakiin madaxweynaha ayaa laga rabaa inuu iska qabto dadka wiiqaya dadaalkiisa inta aanay xaaladda gaarin meel uuna waxba ka qaban karin.