Madaxweynihii hore ee dalka Brazil oo lagu xakumay Xabsi dhowr sano ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamad ku taala dalka Brazil ayaa muddo 9 sano oo xarig ah ku riday Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Lula da Silva.

Lula da Silva oo xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo wax isadabamarin uu ku kacay mudadii uu hayay xilka.

Lula da Silva, ayaa loo heystaa in dhaqaale xoogan oo uu kala baxay qasnada dowlada ku shubay akoono qarsoodi ah, halka qaarna uu ku biiriyay Ganacsiyo waaweyn oo ay leeyihiin qaar kamid ah eheladiisa.

Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Lula da Silva, ayaa diiday dambigan ah inuu galay oo uu dhacay hanti dalku uu lahaa, waxa uuna sheegay in baaritaanka lagu helay xogtaasi aysan aheyn mid fadhisa.

Qareenada u doodaya Mr Lula da Silva, ayaa Maxkamada kaga dhawaaqay inuu racfaan ka qaadanayo xukunkaasi.

Lula Da Silva waxaa kaloo uu sheegay inay dambiyadan lagu soo oogay ay yihiin kuwo la siyaasadeeyey.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore Lula da Silva ayaa dalkaasi Brazil soo xukumayay mudo 8 sano ah.

Dhinaca kale, Lula Da Silva ayaa kusii jiraaya Xabsiga inta uu ka qaadanaayo racfaanka, inkastoo ay suuragal tahay in laga diido.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com