Maqaamka Muqdisho iyo dhameystirka dastuurka oo la isku xirayo kadib arrin soo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo gaba-gabeeyay kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hannaanka dib-u-eegista dastuurka.

Kulankan oo laba cisho ka socday Hoteel Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee XFS.

Kulanka ayaa lagu muujiyay sida aysan u kala harin maqaamka caasimadda iyo dhameystirka dastuurka oo cutubyo kamid ah uu meel-mariyay baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Xasan Macallin oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in wasaaradda iyo madaxda ugu sarreysa dalka ay ka go’an tahay sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay wasiirka in dastuurka uusan dhameystirmeynin illaa meel la saaro maqaamka caasimadda iyo matalaadda gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo shirka qayb ka ahaa ayaa bogaadiyay kulan howleedkaan diiradda lagu saarayay hannaanka maqaamka caasimadda, wuxuuna xusay in shacabka caasimadda iyo kuwa gobolka ay baahi weyn u qabaan dhameystirka dastuurka iyo in ay helaan matalaaddooda.

Madashan ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiiru-dowlaha wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, la-taliyeyaal ka socday xafiiska madaxweynaha iyo kan guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, agaasimeyaal ka tirsan wasaaradda iyo maamulka gobolka Banaadir, ururka haweenka, madaxda bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin kale.