Biden iyo Harris oo tagay goobihiibay garaacday…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Kamala Harris ayaa arbacadii shalay tagay deegaannada koonfur bari ee Maraykanka, si ay u soo indha indheeyaan burburka ay ka tagtay duufaanta Helene.

Biden ayaa cagta soo mariyay gobollada North Carolina iyo South Carolina, halka Harris ay tagtay magaalada Augusta ee gobolka Georgia.

Hadal uu ka jeediyay gobolka North Carolina oo ka mid ah meelaha ay sida daran u burburiysay fuufaanta Helene, ayuu madaxweyne Biden ku sheegay in balaayiin dollar ay ku bixi doonto eesha iyo burburka ay ka tagtay duufaantan.

Madaxweyne ku xigeenka Maryekanka haweneyda lagu magacaabo Kamala Harris, ayaa iyaduna hadal ay ka jeedisay xaafadda Meadowbrook ee magaalada Augusta ku sheegtay, in uu jiro xanuun iyo walaac ka dhashay duufaanta, arrintaas oo ay ku tilmaantay in ay tahay sababta ay halkaasi u gaartay si ay shakhsiyan u qiimeyso baaxadda dhibaatada.

Gobolka North Carolina, malaayiin qof ayaanan wali heysan biyo nadiif ah oo ay cabbaarn. Guud ahaan tirada dadka ay ku dishay duufaanta Hellene gobollada Koofurbari ee Mareykanka ayaa hadda gaaray 166 ruux.