Mareykanka iyo dalal kale oo garab istaagay go’aan ay Soomaaliya ka gaartay ciidamada Itoobiya

Washington (Caasimada Online) – Magaalada Washington waxaa todobaadkan ku sugnaa wafdi ka socday dowladda Federalka Soomaaliya oo ka qeyb galayay shir ku saabsan arrimaha ammaanka Soomaaliya, waxaana ajendaha ku jirtay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirkan waxaa ka qeyb galay kooxda la isku yirahdo QUINT ee Soomaaliya ka caawinaya dhinaca amaanka oo ka kooban Mareykanka, Britain, Turkey, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo Soomaaliya ku taageeray go’aanka ay howlgalka ATMIS bedelaya uga reebeyso ciidamada Itoobiya.

Wafdiga Soomaaliya shirka uga qeyb galay waxaa ka mid ahaa Xuseen Macalin Maxamud, oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna shirkaas uga waramay VOA.

Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in shirkaan uu yahay kii 7-aad, “waxaa na marti qaaday dowladda Mareykanka, shirarkii ka horeeyey waxaa marti geliyey Qatar, Imaaraadka iyo dalal kale, waxaana diiradda lagu saaray shirkaan amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Dib u habeynta ciidamada qaranka Soomaaliya, qalabeyntooda iyo taageerada ay u baahan yihiin ayuu sheegay in si weyn la isaga warsaday, “Sidoo kale waxaa la iska warsaday dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri.

La-taliye Xuseen Macalin ayaa sheegay in ajendaha ay ku jirtay sida laga yeelayo Soomaaliya markii uu dhamaado howlgalka ATMIS, “shirka waxaan ka sheegnay in Soomaaliya aysan ogoleyn in howlgalka bedelaya ATMIS ay ciidamada Itoobiya ka mid noqdaan,” ayuu yiri.

“Dalalka naga taageera dhanka amaanka waa nagu garab istaageen doodeena, waxayna noo sheegeen inay tahay dood xaq ah, waxaana hoosta laga wada xariiqay in xoogga la saaro sidii looga adkaan lahaa Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey qorshaha Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in labada dalka ay galeen heshiis difaac oo xaq ay u leeyihiin, isagoo baqdinta ay Itoobiya muujisay ku tilmaamay boor isku qarin iyo calaacal aysan Soomaaliya dheg jalaq u sii doonin.

Hoos ka dhageyso wareysiga