Mareykanka oo digniin cusub ka soo saaray HESHIISKA Somaliland iyo ITOOBIYA

New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay heshiiska badda ee ay galeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, waxayna taageero u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiska oo la saxiixay horraantii Janaayo 2024, ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Addis-Ababa, kaasi oo weli aysan xaqiijin Itoobiya.

Ku-simaha danjiraha Mareykanka ee Qaramada Madoobe Robert Wood ayaa mar kale ku celiyey sida Mareykanka uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,” ayuu yiri Wood oo shalay ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya.

“Waxaan ku biiraynaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wadahadal diblamaasiyadeed ayaa ah dariiqa lagu dejin karo xiisadaha, waana dariiqa kaliya ee loo mari karo,” ayuu yiri Wood.

Robert Wood ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in xiisadaha gobolka aysan dib u dhigin dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan hindisaha muhiimka ah ee dowlad-dhisidda ama ololaha dowladda ee lagu wiiqayo al-Shabaab.

“Waxa kale oo aad muhiim u ah in xiisadaha gobolku aanay faragelin qorshaynta iyo hawlgelinta hawlgalka ka dambeeya ATMIS. Ma qaadan karno halista abuurista daldaloolo amni oo khatar ah, ama kharashyada dheeraadka ah ee la xiriira isbeddel a guud oo lagu sameeyo dalalka ciidamada ku tabaruca.”

Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo Somaliland iyo Itoobiya aysan weli heshiis u bedelin is-afgaradkii ay gaareen, ayada oo 3 bil la dhaafay muddadii saddexda bil aheyd ee ay qabsadeen in ay heshiiska ku saxiixayaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. 

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM. 

Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xadgudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda.