Mareykanka oo runta sheegay dhacdo ay dabooshay DF

Ceel-Lahelay (Caasimada Online) – Duqeyn ay fulisay diyaarad drone ah ayaa bartamaha Soomaaliya ku dishay shan qof oo shacab ah iyo saddex Al-Shabaab ah, waxaa sidaas Jimcihii xaqiijiyey laba ka mid ah hoggaamiyeyaasha deegaanka.

Weerarka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahannada ay gabbaad ka raadsadeen guri ay degan yihiin qoys.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay dhacdadan, ayada oo warbaahinta dowladda Soomaaliya ay sheegtay in haweeney iyo laba caruur ah ay ku dhinteen miino ay Al-Shabaab geliyeen guriga, oo ku yaalla deegaanka Ceel-Lahelay ee gobolka Galgaduud.

Wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in saddexda mintidiin ee la dilay ay ahaayeen hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, uuna ka mid yahay Olol Cali Guuleed, taliyihii Al-Shabaab ee Galgaduud.

Waxaa lagu dilay “howlgal gaar ah” Arbacadii ayey ku warantay SONNA, ayada oo aan xusan diyaaradda drone-ka ee loo adeegsaday dilka shacbka.

Hase yeeshee, Taliska Militariga Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in howlgalka oo ay fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka lagu dilay saddex mintidiin ah, islamarkaana AFRICOM ay soo daad-gureysay shacab dhaawac ah.

“Qiimeynta hordhaca ah ee taliska waxay tahay in howlgalka lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab. Nasiib-darro, shacab ayaa lagu dhaawacay laguna dilay agagaarka howlgalka,” ayey AFRICOM ku tiri bayaan ay soo saartay.

“Ciidamada Mareykanka ma joogin goobta howlgalka, mana aysan fulin duqeyn ama taageerin intii uu socday howlgalka.”

“Iyadoo laga jawaabayo codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya, AFRICOM ayaa daad-gureyn caafimaad u sameysay dad rayid oo dhaawac ahaa. Waa been abuur sheegashada Al-Shabaab ee ah in ciidamada Mareykanka ay dhibaato u geysteen dad rayid ah,” ayey tiri AFRICOM.

Diyaarad drone ah ayaa ku dabagashay mintidiin guriga Ceel-Lahelay, oo uu leeyahay qof ay qaraabo yihiin, waxaa sidaas wakaaladda wararka Reuters u sheegay Faarax Aadan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha deegaanka.

“Waxay fadhiyeen banaanka guriga ayagoo cunaya bariis iyo hilib. Ayagoo cunnada u fadhiya ayaa waxaa soo weerartay drone. Guriga laguma dhufan, shacabkana lama beegsan. Shacabka waxaa ku dhacay firirka qaraxa,” ayuu yiri Faarax.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Mareykanka ay si kas ah u beegsadeen shacab, islamarkaana dileen shan qof.