Markab hub sida oo ku soo xirtay dekedda Muqdisho iyo DF Soomaaliya oo dagaal isku diyaarineysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku sugan Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in caawa Dowladda Soomaaliya ay la soo degtay Markab sida Hub aad u badan oo nooc walba isugu jira.

Hubka waxaa keenay Markab nooca dagaalka ah oo ka yimid dalka Masar, waxaana lagu daad gureeyay gaadiid waa weyn oo nooca ciidanka qaada ah, kaas oo dowladda Soomaaliya ay leedahay.

Hubkaan ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in dowladda Masar ay siisay Soomaaliya, halka wararka qaar ay sheegayaan in Soomaaliya ay soo iibsatay hubkaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa caawa loo daad gureeyey hubkaan laga soo dejiyey dekedda Muqdisho.

Wadada ka baxda Dekadda Muqdisho illaa inta laga gaarayo wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caawa la xiray, waxaana marayey kaliya gaadiidkii hubka siday.

Weli wax war ah kama soo saarin Dowladda Soomaaliya hubkaan dalka la keenay iyo qorshaha ay ka damacsan tahay, balse waxaa jirta saansaan dagaal.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa inay ka jawaabto daandaansiga Itoobiya, hadii uu isku bedelo gacan ka hadal, waxaana jira dowladda cadeeyey in Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin hiilo militery.

Sidoo kale hubkaan ayaa dowladda Soomaaliya ka saacidaya inay ka adkaato kooxaha Khawaarijta ah ee ka dagaalama gudaha dalka, kuwaas oo ka daran cadowga shisheeye ee dalkaan uu leeyahay.