Sawirro: Markabka sahminaya shidaalka Soomaaliya oo ka soo dhaqaaqay Turkiga

Istanbul (Caasimada Online) – Maanta oo Sabti ah waxaa dalka Turkiga kasoo dhaqaaqay markabka Oruç Reis, kaas oo ku soo jeeda gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka.

Oruç Reis ayaa kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, sida ay sheegtay dowladda Turkiga.

Sida qorshaha uu yahay markabkan wuxuu kusoo xiran doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhamaadka bishan October, ayada oo la filayo inuu qaato qiyaastii 19 maalmood.

Markabkan ayaa marka uu yimaado Soomaaliya wuxuu fulin doonaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 Square.

Sidoo kale wuxuu howlgalkiisu qaadan doonaa qiyaastii toddoba bilood, si uu sahmin uga sameeyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sameyn doonaan xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya.

Markabka Oruç Reis oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir ayaa loo aqoonsaday inuu yahay hanti muhiim ah oo ka mid ah dadaallada sahminta badda ee Turkiga.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.