Masar iyo Soomaaliya oo samaynaya dhoola-tus ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari, xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay gobolka.

Dhoolatuskan ayaa la filayaa in la qabto bishan dhexdeeda, ayada oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay illo dhanka ammaanka oo ku dhow Masar.

“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar.

Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan gaaray heshiis dhanka difaaca, ayada oo uu bilowday qorshe ay ciidamada Masar uga qeyb noqonayaan howl-galka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

Xogta dhoolatuskan wadajirka ah ayaa soo baxeysa maalin uun kadib markii Qaahir ay sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM u gudbisay qoraal ay uga hortimid wax ay ugu yeertay “siyaasadda halka dhinac ee Itoobiya ee ku aaddan biyo xireenka Gerd.”

Qaahira ayaa diiday inay Itoobiya ku sii socoto dhamaystirka dhismaha biyo xireenka iyo buuxinta kaydkeeda, iyada oo aan laga tashi galin Masar.

Si kastaba, dhoolatuskan ayaa u muuqda mid muujin kara in uu sii kordhin karo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Jaamacadda Carabta iyo Itoobiya, sida ay saraakiisha ammaanka u sheegeen The National.