MASAR oo soo iibsaneysa diyaarado dagaal, xilli ay kasii dartay xiisadda taagan

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa qorsheyneyso in haatan diyaarado cusub oo dagaal ay kasoo iibsato Shiinaha, xilli ay sii kordheyso xiisadda kala dhexeysa Itoobiya.

Masar ayaa heshiis cusub la gashay waddanka Shiinaha, iyada oo ujeedadu tahay, si ay u iibiso diyaaradaha dagaalka ee J-10C, isagana bedasho diyaaradaheeda F-16 ee Fighting Falcons.

Ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo ayaa laga soo xigtay in heshiiska ay Masar diyaaradahan kusoo iibsaneyso la saxiixay bishii August ee sanadkan 2024-ka.

Haddii ay Masar hesho diyaaraddan dagaalka waxay ka dhigeysaa dalkii labaad ee haysta diyaaradaha J-10C, waxaana ka hrreeyay waddanka Pakistan.

Arrintana ayaa dhalisay hadal hayn xoogan oo ku aadan diyaaradaha cusub ee haatan raadsaneyso Masar oo ay si weyn isku hayaan dowladda Itoobiya.

Itoobiya ayaa dhankeeda wax u muuqdo diyaar-garow dagaal ku jirta, waxaana dhowan ay soo bandhigtay gantaallada balaastikada ah ee M-20, oo ay keentay xadka Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa imaanayo maalmo uun kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri, kaasi oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda.

Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar.