Maxaa ka jira in Xasan uu joojiyay amarkii yaabka lahaa ee lagu soo rogay reer Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Waaxda Dad-dhigista Gobolka Banaadir Cabdirashiid Wadaad Yare oo wareysi siiyay Somali Cable Tv ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha uu wado maamulka gobolka Banaadir ee ku aadan diiwaangelinta qoysaska Muqdisho, arrintaas oo dhalisay dood xoogan iyo hadal-heyn hareysay baraha bulshada.

Ugu horreyn Wadaad Yare ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in la hakiyay diiwaangelinta socotay, kadib markii la sheegay inuu amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waa wax aan sal iyo raad lahayn oo qolo baraha bulshada qaaqlayaal ka ah war ay sheegeen annaga u joojin meyno” ayuu yiri Agaasime Cabdirashiid Wadaad Yare.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshahan uu hormuud u yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uuna muhiim yahay dalka, maadaama la galayo doorashooyinka

“Waxaan waa siyaasad oo uu madaxweynaha hormuud u yahay, waana waxa kaliya oo uu rabo oo uu marwalba ku taamo in dalka Soomaaliya, maadaama dalka uu galaayo doorasho” ayuu sii raaciyay Agaasimaha Waaxda Dad-dhigista Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale agaasimaha ayaa beeniyay in qof kasta oo qoyska kamid ah laga qaadayo lacago, inta ay socoto diiwangelinta qoysaska ee uu wado maamulka gobolka.

“Annaga meel aan ku dhahnay qofkii ayaa 10 dollar laga qaadaa ma jirto, dadka diiwaangelintooda wax lacag oo looga qaadaayo ma jirto” ayuu yiri C/rashiid Wadaad Yare.