Maxaa ka socda dekedda Muqdisho kadib imaatinka markabka Oruc Reis? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan kaga qeyb-galaya dekedda Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayo markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda Turkiga, kuwaasi oo uu hoggaaminayo wasiirka tamarta dalkaasi.

Markabka Oruc Reis ayaa shidaal baarista ka bilaabaya xeebaha Galmudug oo ah qeybaha uu sida rasmiga ah baarista shidaalka uga sameynayo.

Howl-galka Markabka Oruc Reis ayaa qaadan doona muddo todobo bilood, waxaana si rasmi ah loo soo gaba-gabeyn doonaa bisha May 2025.

Wasiirka Warfaafinta XFS, Daa’uud Aweys Jaamac oo isna munaasabada ka qeyb-galay ayaa munaasabadda ku tilmaamay mid taariikhi ah oo fursad weyn u ah dalka, si uu uga baxo xaalada adag ee uu ku jiray dhowr sano.

Daa’uud ayaa sheegay in mashruuca sahminta shidaalka uu wax badan ka bedeli doono mustaqbalka Soomaaliya iyo sawirka guud ee caalamka looga haysto dalka. 

Wasiirka oo sharaxaad ka bixinayay marxaladaha uu mashruucu soo maray ayaa xusay in heshiiska uu ku bilawday wada shaqeyn rasmi ah oo ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. 

Markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato sahminta shidaalka badda Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari karta culeysyada dhaqaale ee dalka muddo dheer la tacaalayay.