Maxaa kasoo kordhay kiiska isku-dayga dil ee Donald Trump?

Washington (Caasimada Online) – Ninka looga shakisan yahay in uu isku dayay khaarijinta madaxwynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, xilli uu ku sugnaa beertiisa lagu ciyaaro golf-ka ee gobolka Florida ayaa shalay lagu soo oogay laba danbi.

Ryan Routh, oo ah 58 jir, ayaa shalay kasoo hor muuqday maxkamad heer federal ah oo ku taalla magaalada West Palm Beach, halkaas oo ay dacwad-oogayaashu ku soo oogen danbiyo kala ah in uu qori heystay isaga oo danbiile ah iyo in uu tirtiray nambarka aqoonsiga hubka.

Rowe ayaa la xiray 40 daqiiqo kaddib marki uu isku dayay in uu dilo madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, oo hadda u ordaya xilka madaxtinimada isaga oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga.

Waxay aheyd markii labaad oo uu Donald Trump ka badbaadayo isku day dil muddo laba bil gudahood.

Isku daygi hore ee lagu khaariji rabay Trump ayaa dhacay 13-ki bishi July, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa oo marki danbe ay ciidamada amniga dileen uu meel sare kasoo toogtay Trump, kaddibna ka dhaacay dhegta.

Weerarkaas ayaa waxaa duubay kaamirooyinka telefishannada Mareykanka oo tabinayay hadal-jeedin uu Trump kula hadlayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

Laanta Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabdhso FBI ayaa haatan wada baaritaanka isku-dayga lagu khaariji rabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.