Maxaa kasoo kordhay safarka Aadan Madoobe ee Imaaraadka Carabta? + Sawirro

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada Abu Dhabi.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta Mudane Saqr Ghobash. oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan labada dowladood.

Inta uu kulanka socday waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Aadan Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale dhigiisa uga mahad-celiyay casuumaada rasmiga ah ee uu u fudiyay iyo qaabilaada kulanka ka dhacay xarunta baarlamaanka Imaaraadka Carabta.

Kulamada ayaa sii socon doono, ayada oo Sheekh Aadan Madoobe uu la shiri doono madax kale oo ka tirsan dowladda Imaaraadka, inta uu ku sugan yahay magaalada Abu Dhabi.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta.

Imaaraadka ayaa kamid a dowladaha xiriirka xoogan la leh Soomaaliya, waxaana safaro kala duwan dalkaas ku tega madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.