Xog: Maxaa kasoo kordhay xaalada magaalada Garoowe?

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo magaalada Garoowe oo ay weli ku wadan sugan yihiin ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka ah.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa innoo sheegay in maanta ay dareemayaa jawi deganaashaha marka loo eego shalay oo ay ciidamo badan soo galeen caasimada.

Sidoo kale waxaa haatan billowday dadaallo dhex-dhexeedin ah oo ay wadaan odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Deni iyo mucaaradka.

Wararla ayaa intaasi kusii daraya in maanta la filayo in magaalada Garoowe ay gaaraan odayaal dhaqameed iyana ka socda gobolka Sool iyo deegaanno kale.

Xiisada Garoowe ayaa sii shalay sii laba qarxday, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa PMPF ay gudaha u galeen magaalada Garoowe, kuwaas oo ka yimid dhanka magaalada Boosaaso, taas oo ay digniin ka bxiyeen xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaaladaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay inay shacab fara badan ka baracakaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal culus ka dhaco halkaasi.

Dhanka kale waxaa saaka dib loo dhigay kulan ay yeelan lahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan magaalada Garoowe.

Kulanka baarlamaanka oo uu qorshuhu ahaa  in looga doodo xeer doorashooyinka ayaa dib loo dhigay muddo saddex beri ah, sida uu shaaca ka qaaday guddoomnka golaha oo farriin wargelin ah u diray xildhibaanada maamulkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa dagaal mar kale labada dhinac ku dhex-mara caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe.