Maxaa laga ogyahay kulanka Soomaaliya iyo Itoobiya uga furmaya dalka Turkiga?

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa dirtay wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macallin Fiqi oo maanta u safray Turkiga, waxaana la sheegayaa in Addis Ababa ay iyaduna Turkiga u dirayso wasiirka Arrimaha dibedda.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay, in “Dowladda ay ka go’an tahay mabaadi’deeda ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Turkiga ayaa Soomaaliya u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu Ankara kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Hakan Fidan.

Haddaba maxaa laga ogyahay kulankan?

“Kulanka oo ah mid hal maalin soconaya ayaa waxaa labada dhinac ku kala matalaya Wasiiradooda arrimaha dibadda ayaa waxaa aan fahamsanahay in Itoobiya ay codsatay kulanka, waxaana fududeynaya dowladda Turkiga oo labada dhinac isku keeneysa,” ayuu yiri Maxamed Mukhtar oo ka faallooda arrimaha geeska horayna u soo noqday wasiirka batroolka Soomaaliya.

“Mowqifka Soomaaliya ayadoo qoraal ahna wey gudbiyeen marar badanna wey sheegeen in arrinta qaranimada aysan marnaba gorgorton ka galeyn iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed, balse wixii kale oo wadahadal ah oo wada ganacsi ah ama wada shaqeyn ah ay diyaar u yihiin,” ayuu intaas ku daray.

“Marka la eego Turkiga isaga laftirkiisa waa dal ay ku nool yihiin dad Kurdiyiin ah oo doonaya inay go’aan, marka dowladda Turkiga mabdi’iyanba ma aaminsana in dal qeyb ka mid ah la gooyo sababtoo ah iyaga laftooda maanta ma jecla inay Kurdiga ka go’aan marka dhankaas marka ay timaaddo dowladda Turkiga waxay la mowqif tahay dowladda Soomaaliya.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in hadda Turkiga uu doonayo in diiradda shirkan lagu saaro sidii looga laaban lahaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la gashay Soomaaliya iyo sidii xiriirkooda looga dhigi lahaa mid shaqeeya.

“Itoobiyaanka waxa ay la imaan doonaan oo miiska ay saari doonaan lama oga sababtoo ah Abiy Axmed waxaa lagu bartay inuu yahay qof aan la qiyaasi karin waxa uu rabo iyo waxa uu sameynayo balse barrito marka ay imaadaan waxa ay miiska soo saaran iyo waxa ay la yimaadaan ayaan arki doonnaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu sidoo kale yiri Maxamed Mukhtar.

Maxaa ka soo bixi kara kulanka?

“Haddii Itoobiya ay miiska soo saaraan inay arrintan ka laabanayaan markaas waa suurogal wax kasta oo wadahal ah, ama ha noqoto maalgashi ama Turkida, Soomaalida iyo Itoobiyaanka oo ka wada hadla dekadaha Soomaaliya sidii looga wada faa’iideysan lahaa halaga wada hadlo, sida loo wada maal-gashan lahaa halaga wada hadlo marka waxyaabo badan ayaa suurogal ah, balse haddii barrito ay miiska soo saaraan arrintaas gorgorton malahan ma filaayo markaas inay jiraan wax laga sii wadi hadli karaba marka waxay ku xiran tahay waxa ay miiska soo saaraan,” ayuu sheegay Maxamed Mukhtar. 

Dawladda Soomaaliya waxay ku sheegtay qoraalka kooban ee wasaaradda Arrimaha dibadda ay soo dhigtay barta X in ay “ka go’an tahay inay si adag ugu taagnaato mabaadii’deeda ay ku ilaalinayso madax banaanideeda dhuleed.”