Maxaa xiga mooshinka xil ka qaadista madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya?

Nairobi (Caasimada Online) – Aqalka Hoose ee baarlamaanka Kenya ayaa shalay u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, kadib markii lagu soo oogay eedo ay kamid yihiin musuq-maasuq iyo in uu abuuray naceyb dhinaca isirka ah.

Codka baarlamaanka ay ku ogolaadeen xilka qaadistiisa ayaa waddada u xaaraysa in aqalka senate-ka uu u fariisto mooshin uu ku eegayo xil ka xayuubintiisa ugu danbeysa.

Tan ayaa timid kadib muddo la sheegay inuu khilaaf u dhaxeeyey madaxweyne ku-xigeenka iyo madaxweyne William Ruto.

Gachagua oo noqonayaa madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee xilka laga xayuubiyo tan iyo markii wax ka bedelis lagu sameeyay dastuurka Kenya ee 2010-kii, ayaa waxa uu kiiskiisa u gudbi doona Aqalka Sare ee dalka Kenya.

Aqalka Sare ee dalkaas oo ka kooban 67 xubnood ayaa awood u leh “inay ayidi karaan go’aanka Aqalka Hoose ama ay diidi karaan.”

Si kastaba, xil ka qaadista ku xigeenka madaxweynha Kenya ayaa loo cugsaday eedeymo la xiriira inuu si sharci darro ah ku aruursaday hanti lagu qiimeeyay 5.2 bilyan oo shilinka Kenya ah, ama $40.3 milyan, labadii sano ee u dambeysay.

Gachagua oo 59 jir ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu wiiqay shaqooyinka xukuumadda, uuna ku lug lahaa xasarado ku salaysnaa kala qaybinta qowmiyadaha dalkaas.