Maxaad ka ogtahay saddexda arrin ee Eritrea ay muhiim ugu tahay Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tiro dhowr jeer ah ku laabtay waddanka Eritrea. Waa mid kamid ah saddexda dal ee ugu badan ee u safray muddo xileedkiisa cusub, labada kale waa Kenya iyo Imaaraadka.

Dalkaan yar ee nidaamka kaligii teliska ah uu ka jiro ee Eritrea la yiraahdo ayaa kamid ahaa dalalka uu siyaasad ahaan horey si adag ugu naqdiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, laakiin maanta waxay ula muuqata goob mudnaan badan.

Markii aad xukunka raadineysid iyo markii aad maamuleysid isku hadal, isku fikir iyo isku go’aan ma noqon kartid. Sidaas awgeed Xasan Sheekh maanta xukunka haysta aad looguma xisaabin karo dooddiisi kursi doonka.

Markii aan usoo laabano maanta iyo Eritrea, waxaa jira saddex qodob oo ay Eritrea maanta muhiim ugu tahay Soomaaliya, kuwaas oo kala ah;

1. Dhismaha ciidanka

Dal ku ogol inuu ku siiyo garab ciidan adiga oo argagixiso ku haysato oo soo kabashana ku jira ma diidi kartid. Eritrea waxay hadda ku jirtaa ama lagu tiriyaa inay tahay mid kamid dalalka bixiya tababarka ugu sareeya ee xaga ciidanka, marka laga hadlayo dalalka ku yaalla qaarada Afrika.

Horey dowladdii madaxweyne Farmaajo ayaa illaa 5 kun oo askari oo nuucyo kala duwan iskugu jiray u siisay tababar. Xasan Sheekh isna hadda ciidan ayey muddo xileedkiisa cusub u diyaarinayaan.

Garabkaas ciidan ee aan danta gaarka ku hoos jirin waa lagu xilan karaa Eritrea.

2. Colaadda iyaga iyo Itoobiya

Maadaama ay is hayaan labada waddan ee Eritrea iyo Ethiopia waxay dowladda Soomaaliya ku qasban tahay inay xiriir fiican la yeelato Asmara, si go’doon siyaasadeed loo dareensiiyo Addis Ababa.

Marka laga hadlaayo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh waa ku qasban yahay inuu la saaxiibo ama soo dhaweysto dal walba oo diidan Itoobiya.

3. Shaxda isbaheysiga saddex geesoodka ah

Hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki oo kamid ah madaxda ugu muddo xileedka dheer caalamka maanta, ayaa muddooyinkan ku mashquulsana inuu dhiso isbaheysi saddex geesood ah oo ka kooban Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, kuwaas oo isku aragti iyo isku dan ka noqonaya xaaladda gobolka, gaar ahaan diidmada damaca isballaarinta ee Itoobiya.

Itoobiya iyo Masar waxay isku hayaan kiiska biyo xireenka, Eritrea iyo Ethiopia waxay isku hayaa dhul iyo damac bad. Soomaaliya iyo Itoobiya-na waxay weligood isku hayeen dad iyo dhul, maantana waxay xiisadooda ku qotonta damac badeed.

Madaxda saddexdaan dal ayaa doonaya inay ka midoobaan guud ahaan arrimaha gobolka, gaar ahaan in la joojiyo Itoobiya.

Marka saddexdaan arrimood la isku geeyo madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqda inuu ku saxan yahay in uu kor usoo qaado cilaaqaadka Eritrea oo ay bilowday dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Mucaaradka Soomaaliya qaar waxay aaminsan yihiin inuu Afwerki uu aragti kaligii talisnimo ah ku talaalayo Xasan Sheekh, laakiin Soomaaliya-da maamullada iyo qabiilada u kala degan qofna xoog kuma qabsan karo maanta.