Maxaan ka naqaan Jabhadda cusub ee ka dilaacday duleedka Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa markale ka dilaacday gudaha Somaliland jabhad cusub, taasi oo saldhigatay goob aan masaafo ahaan kasii fogeyn magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Jabhaddan ayaa hadda saldhig ku leh degmada Balligubadle ee gobolka Hawd ee Somaliland oo qiyaastii magaalada Hargaysa 65KM koofurta kaga beegan, una dhow xuduudda Itoobiya.

Haddaba maxay tahay jabhaddan iyo ujeedka ka dambeeya?

Jabhaddan ayaa ka dhalatay cadaalad darro ay Somaliland ka tirsanayaan shacabka deegaanka Balligubadle, gaar ahaan saami-qeybsiga maamulka, sida uu sheegay Iid Jiciir Aw-Axmed oo deegaanka ka soo jeeda, kana mid ahaa xubnihii SNM.

Ninkan oo xog ogaalna u ah sidii ay jabhaddan ku bilaabatay oo la hadlay BBC ayaa waxa uu yiri “Balse waa mid ku timid rabitaanka shacabka deegaanka Balligubadle oo tirsanayey cadaalad darro dhanka baarlamaanka iyo doorashooyinka a.”

Waxa uu intaas kusii daray “Markii la dhagaysan waayey ayaa rag dhallinyaro ah oo deegaanka ka soo jeeda ay hubka qaadeen, ayagoo diiddanaa sida wax loo wado.”

Qiyaasta tirada raggaas ayuu sheegay inuusan ogeyn, balse ay u badan yihiin rag ka soo jeeda beesha degta Balligubadle, isagoo markaa iska ilaalinayey in uu tiro khaldan bixiyo, wuxuuse intaa ku daray in jabhaddu ay samaysantay muddo qiyaastii aan bil iyo bar ka badnayn.

Iid oo ka mid ah dadka deegaan ahaan loo tiriyo jabhadaas laakiinse aan xubin ka ahayn wuxuu BBC u xaqiijiyey xog markii horeba soo gaartay oo ah in jabhadaas ay diiddan tahay doorashooyinka isku sidkan ee lagu wado inay dhacaan bisha Nofembar.

“Tabasho iyo cadaalad darro weli halkeedii taagan oo aan la xallin ayey jabhaddu ka aasaasantay, taasoo ah mid ay qabaan reerka reer Balligubadle. Somaliland waxay ku aasaantay saami qaybsiga beelaha, markii loo gudbay dimoqaraadiyadda waxaa yimid xeerar wada qabyo ah oo kan baarlamaanku ka mid yahay oo dadku aysan kuraasta isku si ugu soo baxayn,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Bil matal, waxaa jira laba xildhibaan oo midna uu ku dhacayo 5,500 oo cod, midna uu ku soo baxayo 800 oo cod, waana wax qof u fiirsaday mooyee uusan qof kale garan karin, waxayna arrimahaas ka mid yihiin arrimaha tabashada ee beeshan ay qabto.”

Dhinaca kale, Suldaan Abshir Cabdi Boodhle oo kamid yahay odayaasha dhaqanka ee deegaankaas ayaa isna meel fagaare ah ka taageeray Jabhaddan, isaggoo yiri “Reerkii aan wax u doonnay ee aan wax ugu maqnayn halkaasey maanta ku dhan yihiin, waxaannu qaadannay wax allaale wixii ay qaateen, sababtoo ah wax noo hooseeya ma jiro.”

Si dhab ah looma oga halka uu ku dambeyn doono jiritaanka jabhadda, ayada oo horey Somaliland uga sameysmeen jabhaddo badan, kuwaas oo markii dambe arrintooda lagu dhameeyay waan-waan iyo heshiis ay la gashay xukuumadda.