Maxay DF ka tiri qaraxyada ay Al-Shabaab ku xirtay suuqyadii gubtay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Iskuul Buluusiyo ayaa ka hadlay arrimo ku aadan weerarada qaraxyada ahaa ee ayAl-Shabaab ku qaadeen suuqyada Tabeelaha Sheekh Ibrhaahim iyo Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in Khawaarijta ay tahay cadowga Ummadda Soomaaliyeed, haddana ay billowday inay qarxiso suuqyada, si ay u burburiso dhaqaalaha shacabka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintan ay muujineyso awood yarida kooxda, maadaama lagu qaaday howlgal cirka iyo dhulka ah, kaas oo looga xoreeyay dhul aad u ballaaran.

“Waxaa la ogaaday in Khawaarijta ay yihiin cadowga Soomaaliya waa arkeynseen waxa allaala wixii bulshada laf dhabarka u ahaa iyo dhaqaalihii ayay markan la dagaalamayaan, awood kale waa waayeen” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxay bilaabeen in dukaamada gubaan inay maqaayadaha gubaan inay hoteellada gubaan iyo inay suuqyada gubaan”.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay laba jibaaraan doorkooda ku aadan ka qayb-qaadashada dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo saaka laba qarax oo waa weyn lagu gubay suuqii Tabeelaha Sheekh Ibraahim, sababo la xiriiray markii lagu xiray Caamirooyinka CC Tv.

Suuqyadii Ceelasha Biyaha ayaa iyagana kasii horreeyay oo dhulka lala simay, waxaana weeraradan ku hanti beelay ganacsato badan oo Soomaaliyeed.