Maxay ka dhigan tahay in ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya ay dagaal ku sigtaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Askar hubeysan oo Itoobiyaan ah oo dhanka Feer-feer ka yimid, kuna sii jeeday dhinaca deegaanada Galmudug ayaa shalay lagu celiyay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Itoobiya waxaa dhawaan loo sheegay inay ciidankeeda Soomaaliya ka bixi doona dhamaadka bisha December ee sanadkaan. Laakiin ciidan u muuqday daan-daansi oo aad u hubeysan ayay shalay soo geliyeen dalka.

Laba ciidan ayaa Itoobiya horey kaga joogay Soomaaliya, kuwo waxay ka tirsan yihiin howl-galka ATMIS, kuwana sharci darro ayay ku joogaan xad beenaadka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli kama laaban go’aanka ah inay ciidanka Itoobiya ka baxayaan dalka daba-yaqaadda sanadkaan. Waxaase Itoobiyaanka shalay sameeyeen fal ay ku tijaabinayaan dareenka Soomaalida.

Ciidan ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan aagga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa celiyay Itoobiyaankii. Dadka deegaanka waxay wariyeen in qarka loo fuulay in labada ciidan isku dhacaan.

Warbaahinta maxaliga ah qaar waxay warisay in ciidanka cusub ee Itoobiyaanka ah inay diideen sababta ay u soo galeen dalka, kadibna waxay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku amreen in Itoobiyaanka ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen, ugu dambeyna taas wey aqbaleen.

Tan iyo markii ay dib u qaraxday xiisadda labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku suntan 1-dii Janaayo ee sanadkaan iyo heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, waxaa si weyn hoos ugu dhacay wada-shaqeyntii ciidan ee labada waddan.

Waxaa aad loo bogaadiyay tallaabaddii ay qaadeen ciidanka dowladda ee ku sugan Matabaan iyo hareeraheeda, waxaase dowladda federaalka ah ee Soomaaliya laga sugayaa inay arrintaasi daan-daansiga ah war kasoo saarto.

Dhawaan xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo la hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la dejiyo xiisadda gobolka oo loola jeedo midda Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin sida muuqata Addis Ababa iyada ayaa daan-daansi wada.

Go’aankii naga laabta ee shalay iyo degmada Matabaan wuxuu sidoo kale muujinayaa feejignaanta ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.