Wada-hadallada Somalia iyo Itoobiya oo qarka u saaran ‘burbur kama dambeys ah’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajahayA inay si kama dambeys ah u burburaan, kadib laba jeer oo Ankara ay ku fashilmeen kulamo wada-hadalsiin oo Turkiga uu garwadeen ka ahaa.

Wada-hadalladan ayaa ka fashilmay dhanka Itoobiya, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo meel adag iska taagay in heshiis uu dhex-mari karo xukuumadda Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay diiday inay aqoonsato madax-banaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaan, una cadeeyey wax bad ama ganacsi ah aysan labada dal ka wadahadli doonin.

“Wada-hadalkii Ankara waxaan uga soo kala tagnay in Itoobiya diiday inay aqoonsato Soomaaliya inay tahay dal xor ah oo deris la ah, ilaa taas ay ka ogolaatana badna kama hadli karno, ganacsina kama wada hadli doono,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu nasiib darro ku tilmaamay arrinta Itoobiya, isagoo Addis Ababa ugu baaqay inay ku soo laabato qawaaniinta caalamiga ah.

“Wada-hadalkii Ankara sababta loogu kala tegay waa in Itoobiya ay weli diidan tahay in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo deriskeeda ah, taas ilaa ay ka aqoonsaneyso bad iyo ganacsi toona kama wadahadli karno, waa nasiib darro in qadiyadaas ay dadka qaar noo fahmeen inaan siyaasad ka dhex raadineyno ee xuquuqdii qarankaan ayaan ilaalineynaa, qof naga dambeeyana ma ogolaa doono ee dowladda Itoobiya miyirku ha u soo laabto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato.”

Tan ayaa ka dhigan inay sii fogaan karto in waqti dhow ay heshiis gaaran Soomaaliya iyo Itoobiya, oo xiisadda xooggan ka dhex aloosan tahay, taasi oo salka ku haysa is-afgaradkii Addis Ababa ee Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixday qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Si kastaba, dowladda Turkiga oo dadaal badan ku bixineysa sidii ay xal u gaari lahaayeen labada dal ayaa juhdi badan gelinaya wada-hadalsiinta labada dhinac ayaa illaa hadda muuqan dabac labada dhinac ah, ayada oo Itoobiya ay ku dhagan tahay is-afgaradkii Somaliland haddii wax u dhigma loogu bedelayn.