Maxay Puntland ka tiri $6 Milyan ee dowladda Xasan ay sheegtay inay siisay?

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lacag $6 Milyan ah oo dowladda dhexe ay sheegtay inay siisay maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid ayaa beeniyay in lacagtaas ay ka qaateen dowladda Xasan Sheekh, xilli uu wasiir ku-xigeenka maaliyadda uu shaaciyay in lacagtaasi dalab uga yimid Deni ay si cadaan ah ugu shubern khasnadda Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagaha ay Puntland ka heshay Bangiga Adduunka ay yihiin lacago ay cogsigeeda iyadu gudbisatay, si looga caawiyo kabka  miisaaniyadeeda, balse aysan aheyn mid ay bixiso dowladda dhexe ama ay kasoo shaqeysay.

“Dhaqaalahaasi xiriir lama laha mid ka yimid dowladda federaalka ama ugu yaraan ay kasoo shaqeysay. Waxaaba dowladda (Xasan Sheekh) u xaniban malaayiin dollar oo mashaariic looga fulin lahaa Puntland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku fadhiso malaayiin dollar oo wax loogu qaban lahaa reer Puntland, isaggoo sheegay inay doonayso in mashaariicda Puntland laga maamulo Muqdisho, taasina ay tahay sababta labada dhinac isku hayaan.

Wasiir Caydiid ayaa ugu dambeyntiina wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in masuul laga soo doortay Puntland uu been abuur ka sheego deegaankiisa, taas oo uu ula jeedo wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya oo ah xildhibaan laga soo doortay maamulkaasi.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange ayaa dhawaan shaaciyay in madaxweyne Saciid Deni uu dalbaday in lacag dhan $6 Milyan oo caddaan ah si toos ah loogu shubo khasnada maamulka Puntland.

“Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawaldda Puntland u wareejisay (fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed,” ayuu wasiir Xaange ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Waxaa xusid in madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka (cash) toos loogu soo shubo.”