Maxay tahay arrinta is-burinaysa ee maanta ay ku dhowaaqday DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aanno xasaasi ah oo saameynaya waxbarashada dalka.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa waxay ku dhowaaqday dib u eegista go’aankii wasaaradda waxbarashada ee 2019-kii, iyadoo wax ka beddel ku sameysay mudadda waxbarasho ee jaamacadaha dalka.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda oo qoddobo kamid ah is-burinayaan ayaa waxaa lagu sheegay in aysan dowladda federaalka aqoonsan doonin shahaado jaamacadeed oo ka yar 4 sanno.

Halka qodob kale oo ku jiray qoraalka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya lagu yiri “Wasaaraddu waxay u aqoonsan tahay sanadka aas-aasiga ah ee jaamacadda in heerka koowaad uu yahay ugu yaraan 5 sanno.”

Qoddobadan iska hor imaanayo oo su’aal gelinaya go’aamadda kasoo baxay wasaaradda, ayaa haddana waxay sheegtay in aan marna la aqbali dooni shahaado saddex sanno ah oo heer jaamacadeed.

“Wasaaradda waxay ku wargalinaysaa dhammaan cidda ay khuseyso in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 7-da August 2024 la ogolaaday in la tasdiiqiyo shahaadada saddexda sanno ah ee ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadaha dalka, sanad dugsiyeedkii 2023-2024 iyo wixii ka horreeyay.”

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay wasaaradda

OGEYSIIS

Ujeeddo: Dibu’eegista Go’aankii Wasaaradda Waxbarashada ee 2019

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargalinaysaa dhammaan cidda ay khuseyso:

1- In laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 07, Agoosto, 2024, la oggolaaday in la tasdiiqiyo shahaadada saddexda sanno ah, ee ardaydii ka qalinjabisay jaamacadaha dalka, sannad dugsiyeedkii 2023-2024, iyo wixii ka horreeyay.

2- In aanan marna la aqbali doonin shahaado saddex sanno ah, wixii ka danbeeyo sannad dugsiyeedka 2023-2024.

3- Dhammaan jaamacadaha dalka waxaa la farayaa in ay u hoggaansamaan fulinta go’aankii Wasaaradda ee soo baxay Maarso, 2019, kaasoo ay ku caddahay inaan la aqoonsan doonin shahaado jaamacadeed oo ka yar 4 sanno.

4- Sidoo kale, iyada oo laga duulayo go’aankii Wasaaradda ee soo baxay bishii Agoosto, 2023, kaasoo lagu soo kordhiyay sannadka aasaasiga ah (foundation year) ee jaamacadda, ay Wasaaraddu u aqoonsanayso in heerka koowaad ee jaamacadda uu yahay ugu yaraan 5 sanno.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.