Sawirro: Maxay tahay deynta Soomaaliya lagu lahaa ee maanta xalka laga gaaray?

Vienna (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Vienna ee xarunta waddanka Austria ayaa heshiis muhiim ah la saxiixday agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta caalamiga ah ee ururka OPEC Dr. Abdulhamid Alkhalifa, kaasi oo lagu xalinayo deyn uu sanduuqan kulahaa Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa heshiiska Dr. Mohamed Al-Jadaan oo ah wasiirka maaliyadda dowladda Saudi Arabia oo Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36 Milyan oo aheyd deyntii sanduuqa OPEC uu Soomaaliya kulahaa, lacagtaan ayey dowladda Saudi Arabia ka bixisay dowladda Soomaaliya, taasi oo loo yaqaano (Bridge Loan).

Heshiiska dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay maanta wada gaareen ayaa waxaa kaalin muhiim ah kulahaa dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada-hadal ka arrinkan xalka looga gaaray deyntaan iyo waddii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu yiri “Waxa aan heshiis ka gaarnay maanta Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aan ka mahad-celineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya.”

Heshiiskan maanta magaalada Vienna ay ku gaareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo wadxaajood iyo heer kala duwan oo shirar ah soo maray ayaa uga dhigan Soomaaliya fursad weyn oo muhiim ah.

Soomaaliya ayaa hadda wixii ka dambeeya waxay fursad u heli doonta mustaqbalka dhaw inay qayb ka noqoto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si lamid ah dalalka soo koraya ee Afrika.