Maxay tahay faa’idada uu muftiga ugu weyn Sacuudiga sheegay inay Qatar ugu jirto go’doominta la saaray?

Makkah (Caasimadda Online) – Muftiga ugu sareeyo dalka Sacuudiga Sheekh Cabdulcasiis Bin Cabdullaahi Aala Shiikh ayaa sheegay inay dowladda Sacuudiga ay tahay dowlad ku taagan wadada toosan ee Islaamka, isagoo shacabka Sacuudiga ku sheegay inay yihiin kuwa kheyr laga buuxiyey.

Muftiga oo ka hadlayey go’aankii ugu dambeeyey oo ay qaaday dowladda Sacuudiga iyo dhawr dowladood oo kale kaasoo looga soo horjeedo Qatar ayuu ku sheegay inuu yahay go’aan dan ugu jirto muslimiinta oo dhan sidoo kalana wuxuu tilmaamay inay Qatar nafsad ahaanteeda faa’ido weyn ku qabi doonto.

Qatar ayuu ku sheegay inay tahay dowlad maalgeliso Argagixisada, arrintaas ay dhibaato ku tahay shacabka Qatar, loona baahan yahay in si deg deg wax looga qabto dhibaatada ay kala kulmi karaan taageritaanka argagixisada.

Wuxuu sheegay in go’aanka ay Sacuudiga qaadatay uu yahay mid ku dhisan xikmad iyo aragto dheer isla markaasna ay faa’ido badan ugu jirto Muslimiinta guud ahaan.

Sheekha ayaa carabka ku dhutay isagoo la hadlayey wargeyska Xayaat in u adeegaha Xaramka Boqor Salman Bin Cabdulcaziiz uu yahay siyaasi khibrad leh kuna soo dhex noolaa maamulka aabihiis iyo walaalihii oo boqortooyada soo maamuli jiray, wuxuuna tilmaamay inuu leeyahay aragti fog oo ku saleysan kheyr.

Ugu dambeyntii Sheekha ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay tahay dowlad ku taagan wadada saxda ah isla markaasna adeeg badan u qabato Islaamka, sidoo kalana wuxuu sheegay in Sacuudiga ay tahay meel amaan iyo nabadgalyo ah.